Dhageyso: Xasan Sheekh oo Xil ka helaya Dawlada Safar Dibada Ahna Ubaxaya

0

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu Socdaal Dibada ah ukicitimo si uu ugu tego Labadii Qoys oo deggan Qaaradaha Yurub iyo Africa.

Qoys ka mid ah waxay deggan yihiin Waddanka Tanzania iyadoo Qoyska Labaad ay ku dhaqan yihiin Waddanka Turkiga,waxaana la sheegayaa in Carruurtiisa iyo Xaasaskiisa uu wakhti la qaadan doono.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu hadda Fursad uheli doono Qoyskiisa iyo Qaraabadiisa maaadama awal uu ahaa qof Qaranka Shaqadiisa ku mashquulay.

Warar la helay ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu Xildhibaan Katirsan Golaha Shacabka Ka mid noqonaya uu yahay oo aan weligiisna Xilkaasi ka dhici doonin ama aan laga qaadi karin maadaama Dastuurka ay ku cadahay in qofkii Xilka Madaxweyne Qabtaa Xildhibaan noqon doono.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA XASAN SHEEKH MAXAMUUD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here