Dhageyso: Xildhibaanadii xilka ka qaadi lahaa Shariif Xasan oo ku wajahan Baydhabo

0

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay iney wadaan qorshe ay xilka uga tuurayaan madaxweynaha maamulkaasi Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Dhubad Maxamed Dhaqane oo ka mid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay iney u midoobeen sidii ay xilka kaga qaadi lahaayeen Madaxweynaha maamulkaasi.

Waxaa uu sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed ay qaateen Go’aan mid ah kaasoo ah in xilka laga qaado Madaxweyne Shariif Xasan.

16-Ka Bishaan ayuu sheegay in kulanka Baarlamaanka uu ku furmi doono Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo ku takri  fal awoodeed.