Dhallinyaro Dhac iyo Dil geysan jiray oo lagu xirxiray Garoowe

0

Ciidamada Ammaanka ee magaalada Garoowe ayaa xabsiga dhigay in ka badan 24 dhallinyaro ah kuwaas oo lagu eedeynayo in ay Ammaanka halis badan ku hayeen.

Dhallinyaradaas ayaa iyagoo Adeegsanaya Toorreeyo iyo Biro xooggan, waxay xilliyada Habeenkii, Dhaca, Kufsiga iyo Dilalka ka geysan jireen magaaladaas.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax C/raxmaan Warsame (Galangooli) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa waxa uu sheegay in Howlgalkaasi ay ku soo qab qabteen dhalinyaro dhibaatada ku hayay shacabka.

Wuxuu sheegay in Ammaanka magaalada Garoowe uu hadda wixii ka dambeeya hagaagi doono maaddaama Dhallinyaradaas Amni darrada ku howlanaa ay magaalada kasoo Uruuriyeen.

Galangooli ayaa sheegay in Kiisas badan oo Dilal, Dhac iyo Kufsi ay yaallaan Saldhigga Garoowe, isla markaana dhallinyaradaas ay ka dambeeyaan.