Dheg-Dheer Dhimatay Roobeey !!?

0

Dheg-Dheer Dhimatay Roobeey  !!?

Waxan Maanta Qalinka ku bilaabayaa sheeko xariir ay kawada dheregsan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed oo kala Dunida dacaladeeda, waxaan u soo qaatay oo ay khusaysaa dhacdo hadal haynteedu soo if baxday soconna doona maalmaha soo socda, waxayna ku bilaabanaysaa sidatan. Deegaan ka mid ah Deegaanada soomaalidu degto ayaa waxaa xukumi jirey Haweeneey xukun adag oo la oran jirey DHEG-DHEER Haweeneydaas waxay dhibaato wayn ku haysey dadka deegaanka oo dhan, waxay caadaysatey iney maalin walba soo rogto amaro qalafsan cidii diidana talaabo laga qaado,

 Waxay deegaankaas xukuntaba waxaa la gaarey xili jiilaalku dheeraaday, markaasey xoolaheedii gaysatey meel dooxo ah oo wax xoogaa naq ahi ku haray, dadkii kalena Xoolahoodii waxay waayeen meel ay daaqsadaan iyadoo sidaasi jirto ayaa waxay soo rogtay in maalin walba Neef u loogaan oo oo qoysba maalin keenaan, taasuna waxay noqotay dhibaato dheeraad ah oo la xamili Karin, laakiin waa khasab. waxay dadkii dhibaatadaas ku jiraan oo ay ku Alle baryaan in ilaahay dhinac u dhaafiyo DHEG-DHEER, subaxdii danbe waxaa la maqlay geerida Haweenaydii nafta u keentay ee DHEG-DHEER.

waxaa la waayey cid hadalkaas kor u qaada oo dadka la dgex xusha cabsi darteed,  laakiin Maalintii la xaqiijiyey geerida DHEG-DHEER, waxaa intaa dheereed in la helo Raxmaddii Eebe maadaama mudo dheer ay ku jireen Jiilaal dheraaday oo ay ugu darsantay xukun qalafsan oo iyada kaligeed gacanta ugu jirey. waxaa isu soo baxay dhamaan dadkii deegaanka waxayna ku dhawaaqayeen Dheg-dheer dhimatay Roobeey. Dhulkii Nabadeey Roobeey. Maalikaas iyo wiii ka danbeeyeyna waxay dadkaasi ku naaloyaeen nabad iyo barwaaqo

Waxaan sheekadan xasuustay markaan maqlay xilka qaadista Gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf, waxaan is waydiiyey iney sharci tahay iyo in kale? Intii aanan isu jawaabin sax iyo khalad, waxaan xasuustay sidii loogu dhiibey oo rag iska dhicin ahayd, intaa ka dibna waxaan qaatay go’aan ah in aan aqbalo inkastoo ay wanaagsanayd in hab kale loo maro. Inta kadib waxaan la sheekaystay dhowr qof waxa aan waydiiyey siday u arkaan Xilka qaadista Caydiid Ilka Xanaf

Kii 1aad ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxa ii soo baxday markaan maqlay in xilkii laga xayuubiyey Caydiid Ilka Xanaf in Caddaaladdii la waayey sanado badan  ay dib u soo laabanayso maadaama ninkan iyo saaxiibadiis ay Cadaaladda Wareeriyeen oo loo baxayo jawi degan”.

Kii 2aad ayaa hadalka qaatay oo yiri. “markaan maqlay xilka qaadista Avv. ilka Xanaf waxaan markiiba ogaadey oo ii sooo baxday In la musuqi rabo doorashooyinka soo socda ee dhamaadka sanadkan maadaama aanu ninkani kharash yar ku nacamlayn Karin”.

Ninkii 3aad ayaa yiri. “saaxiibkay Ilka xanaf Waa lagu yiqiin inuu guryo islaameed cid aan lahayn u xukmiyo oo uu jahwareeriyey dadkii oo dhan rakaatana ku haystay Cadaaladda Soomaliya  laakiin hadda Xil ka qaadistiisa ma soo dhowaynayo, sababtoo ah waxaaan ogahay in aanay wax xal ah keenayn oo weli la isu xoog sheeganayo”.

Kii ugu danbeeyeyna waxa uu yiri. “markaan maqlay xilka qaadistii Avv. Ilka Xanaf waxaa markiiba ii soo baxday in howlaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ  ay hagaagayaan oo ay weliba hogaan cusub oo lagu kalsoonaaan karo dooran karaan, meeshana ay ka baxayo laaluushkii faraha badnaa ee la iska xaabsan  jirey”.

Guntii iyo gebagebadii maalinkii xilka laga qaaday Avv. Caydiid Ilka Xanaf waxaa Magaalada Muqdisho ka da’ay roob lagu diirsaday oo aan ka di’in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, sidaa darteed mar hadii Xilka laga qaaday Ilka Xanaf mala heli doonaa Cadaladdii loo oomana??

Cabdinaasir Xersi Iidle

Naasirx1@gmail.com

00252615503978

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here