Dhegeyso: Madaxweyne Waare oo sheegay in Al-shabaab ay ku wajahanyihiin Puntland

0

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in Al-shabaab qeybtooda ku sugan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay ku wajahanyihiin magaalooyinka Maamulka Puntland, kuwaas oo ay dhowaanahan kusii qulqulayeen Shabaab.

Wuxuu sheegay in 3 Sababood ay ugu socdaan Gobollada Puntland, howlgallada Cirka iyo dhulka ah ee ka socda Koofurta Soomaaliya, in gobollada koofurta dagaalka ka socda Looga Adkaaday iyo in Buuraleyda Puntland ay uga dhuumaaleysan karaan duqeymaha ayuu ku sheegay waxyaabaha ugu waaweyn ee ay Puntland ugu guurayaan Shabaab.

“Waxaanu heynaa warar muujinaya in Shabaab ay u qaxayaan deegaannada Puntland, waxaana ay doonayaan in ay halkaas ka magan galaan duqeymaha iyo dagaalka lugta ah ee ay kala kulmaan ciidanka dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada” ayuu hadalkiisa ku sheegay Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Hirshabeelle ay goor dhow ka adkaaneyso Al-shabaab, maaddaama golihii xukuumadda ee maamulkaas la Ansixiyay dhowaan.