DHIMASHO UMA DHAWA AFKA SOOMAALIGA.

0
DHIMASHO UMA DHAWA AFKA SOOMAALIGA.
 Taariiq, Dhaqan iyo Hiddo aad u fac weyn ayuu xambaarsan yahay af walba oo  ka jira dunida, hantida ugu qaalisan ee ummad kasta uu ALLE  ku maneystay  waa afkeeda hooyo, qiimo, tixgalin iyo qadarin  ayuu afku leeyahay, astaamaha ugu caansan ee shucuubaha caalamka lagu kala  sooco  waa afka ay qolo walba ku hadasho.
 Culumda Dunida waxay rumaysan yihiin in afku uu yahay shey Noole ah oo Dhasha isla markaana Gabooba haddii aan la xafidin ama la dhawrina  uu Dhiman karo, Geeridiisa iyo Nolashiisa waxay ku xeran tahay hadba sida ay dadkiisa ugu fara adeygaan jiritaankiisa, Tirsi ahaan ma yara afafka kala duwan ee adduunka looga hadlo, argagax waxaa leh in qaar ka mid ah afafkaasi ay geeriyoodeen halka kuwa kalana ay qarka u saaran yihiin inay xijaabtaan.
 Luuqadaha halista ku jira intooda badan waxaa looga hadlaa Qaaradda Afrika, cabsi xoog leh ayaa laga qabaa muddo aan ka badneyn Nus Qarni inay dabar go’aan afaf iminka nool haddii aan  loo gurman, nasiib daro af kasta oo luma wuxuu la geeriyoodaa dhaxal qaali ah, Afka Soomaaliga oo bah-wadaag la ah afafka looga hadlo Arlada Geeska Afrika ayaa dhawaan waxaa laga keenay KHAYLO-DHAAN ku aadan inay halis ku soo fool leedahay, wel-wel fara badan ayaa xilligaan laga muujinayaa xaaladda uu ku sugan yahay afkeena.
 Inkastoo uu yahay  afkeena hooyo mid hodan ah ayaa haddana waxaa  weerar bahalnimo ah ku haya waxa loo yaqaano Af-Dilayaasha Caalamka, qatar aad u xoog badan waxay kaga soo wajahan tahay afafka Shisheeye ee Dugsiyada Dalkeena  lagu dhigo, dhibaato taa la mid ah waxay ka haysataa Madaxda Qaranka oo jecel inay adeegsadaan afafka Qalaad  iyo  qurba joogta ilbaxnimada  ku booteeynaysa iyo kuwa Aqoonyahanka isu maleeyay ee   ka cararaya ku hadalka  afkoodii macaanta badnaa kana door bidaya isticmaalka afafka aaney u dhalan.
Xaqiiqdii af-Soomaaligu waa luuqad jirta, dhimashana uma dhawa balse wuxuu u baahan yahay gurmad lagu horumarinayo, qiyaastii waxaa la isku waafaqsan yahay in ay af soomaaliga ku hadlaan  in ka badan 20-25 Millyan oo dad ah, shucuubtaasi oo ku kala firirsan  Wadamadda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Killilka 5-aad ee Itoobiya iyo Qurba joogta Soomaaliyeed ee ku kala nool caalamka,  biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa, Sharaf iyo qiimo  qofku wuxuu ku yeeshaa afkiisa, hubaashi  ruuxba ruuxa uu ka jecel yahay afkiisa waa ka wadanisan yahay, nasiib wanaag haatan waxaa bilowday baraarug aad u balaaran oo  ku aadan sidii loo horumarin lahaa afkeena hooyo, is xilqaankaasi oo aad loo soo dhaweeyay waxaa horseed ka ah Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ee loo yaqaano AGA.
 Waa guul lagu naaloon karo, waana horey u socod loo baahnaa in lagu dhaqaaqo, arintaan qaaliga ah qabashadeeda waxaaa Amaan iyo Bogaain ku mudan Akadeemiyada isu xilsaartay meel marinta hawshaan qiimaha badan u leh Shacbiga Soomaaliyeed, mar haddii haatan AGA ay dhexda u soo  xeratay sidii loo caalamiyayn lahaa af-Soomaaliga ayaa muwaadin walba oo ku hadla luuqadaan  waxaa xil ka  saaran yahay oo waajib Qarameed ku ah sidii uu qaybtiisa uga qaadan lahaa Dhawrida iyo Casriyaynta afkeena hooyo, bacdamaa uu afku yahay Raasu- maalka ama hantida inaga wada dhaxaysa oo loo baahan yahay inaynu wada illaashano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here