Dhulkii Dowladda Waraaqo ayaa loo samaystay.

0

 Dowladda maxaa la Gudboon?

Markii ay dhacday Dowladdii dhexe ee Soomaliya horraantii 1991-kii waxaa  Soomaaliya oo dhan ka dhacay qax aad u balaran gaar ahaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay ku jirto Magaalada Muqdisho, Qaxaas oo marba marka ka dambaysa soo badanyey oo wada camiyayey dadka intiisa badan ayaa waxay keentay in ita badan dadkii qaxayey ay ku habsadaan dhulkii dowladda oo isugu jira mid dhisan iyo mid bannaan.

Dhulkaas lagu habsadey waxaan u kala qaadi karnaa laba qaybood.

1-    Qolo degtey dhismayashii dowllada oo aan dhalan rogin, ogolna hadii ay  timado  dowlad la xisaabtanta raali ku noqonaya wixii loogu taliyo.

2-    Iiyo Qolo degtey dhulkii dowlada oo baanaanaa,oo dhalan rogtey kadibna si xirfadaysan waaqado sharciyeysan u samaaystay

                              Dhulka Waraqaha loo samaystay..

Dhulkii Wasaaradda Gaadiidka,  (Galmudug), dhinaca Galbeed ee Taliska Asluubta

Dhulkii Duur joogta (Xoosh)

Dhulkii Bangiga Dhexe (Dhabarka Maslax)

Dhulkii Wakaaladda Biyaha (Kasoo Horjeedka Taliskii Ciidanka Asluubta)

Dhulkii Xanaanada Xoolaha (Ex-kontarool ilaa Masaajidka  Macallin Nuur)

Dhulkii Hargaha iyo Saalmaha (dhabarka dambe ee Silliga)

Dhulkii Wasaaradda Howlaha Guud (Seybiyaano ilaa muuri)

Dhulkii Xeradii dab damiska (kasoo horjeedka Seybiyaano)

Dhulkii Garaashkii Dowladda hoose (kasoo horjeedka Naasahablood 1)

Dhulkii Kaaalinka Shidaalka Km4 (kasoo horjeedka Laas-Fagas)

Dhulkii Kaaalinka Shidaalka KM4 wadada Airporka (kasoo horjeedka dhismaha Cosoble Cadde)

Dhulkii Kaaalimaha Shidaalka ee Cira-Wayne (Agagaarka Saldhigga Bari)

Dhulkii Beerta Dowladda hoose ee Wadada Airporka (Shirkadda Sahal)

Dhulkii Dowladda ee u dhaxeeyey Airporka, Afisyooni iyo Dugsigii sare ee 21 Oct.

Dhulkii Tarabuunka (Wajiga hore ee Salaanta iyo dhabarka Dambe)

Dhulkii Barking-kii Coca-Cola (kazoo horjeedka Coca-Cola)

Dhulkii Daaqa Qaranka (Koofurta Digfeer)

Dhulkii Keydka Isbitaal Madina

Dhulkii Keydka Villa Beydhabo.

Dhulkii Saldhiga Waabari.

Dhulkii Suuqa Cali Boolaay

Dhulkii Xeradii Fardooleey. (Xamar JabJab)

Dhulkii Jardiinka Kaasabalbalaare (1) Jardiin

Dhulkii Jardiika Isgoyska Bakaaraha (2) Jardiin

Dhulkii Jardiinka Isgoyska  Howlwadaag (4) Jardiin

Dhulkii Jardiinka Afarta Jirdoono (4) Jardiin

Dhulkii Ururkii Kacaanka ee Uko (kasoo horjeedka Maxkamadda Xararyaale)

Dhulkii Wasaarada Isgaarsiinta (Qorax kasoo baxa isgoyska Sanco)

Dhulkii Mashruucii Xeebaha  (Fagax)

Dhulkii Dhismiha Wasaaradda Caafimaadka (kasoo horjeedka Daljirka dahsoon)

Dhulkii Dhismiha Wasaaradda Howlaha Guud (kasoo horjeedka Garoonka kubadda Kolayga Wiish)

Dhulkii Xerada CC ee Wakaladii Ganacsiga Ummudda

Dhulkii Bakhaarada INJI ee Wakaladii Ganacsiga Ummudda (Garaash Geedoole) Dhulkii Dowladda ee u dhaxeeyey Taliskii Ciidanka Badda iyo Baar Liido.

Ugu dambayntii waxaa la boobay  Dhulkii Milatariga sida:-  Oodweyne, Dugsi shanaad, Bangaala, dhulkii Saadka, Kulyaddii Axmed Gureey, Taliskii Qaybta 77, War laliskii Radio Muqdisho, Keydii Rasaasta, dhulkii Guutada 1aad ee Madafiicda goobta,  dhulkii Guutada 2aad ee Taangiyada iyo in ka badan kala bar Degaanka ay ku fadhiso Degmada Deyniile…

Dhismayaasha la degan yahay oo ay dowladu lahayd waa ay fara badan yihiin waxaana tusaale u ah. Shiirkolo Ofishaale, Guryihii dablayda, kuwii  Ciidamada sida Booliiska u tababaran ee Zone K, Jaamacadihii qaybtii jiifka  iyo Macalimiinta, Bangaariyo, Afrikan Village, Guryaha kalluunka iyo  kuwo kale.

                            Dowladda maxaa la gudboon?

Mid ka mid ah Agasimayaasha Wasaarada Howlaha guud iyo Guryeynta Shirwac oo  meel fagaare ah ka hadlaya ayaa yiri. “haddii aan nahay Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta waxaan u taaganahay sidii muwaadin kasta oo Soomaali ah uu u heli lahaa Guri uu ku noolaado” anigoo ka duulaya hadalka Agasime Shirwac , waxaa  marag ma doonto ah iney dadkaas naf u gaysey guryaha ay degan yihiin maadaama ay ka mid ahaayeen maatada Muqdisho ee Qaxu wareeriyey marka laga reebo dad yar oo fara ku tiris ah oo dano gaar ah leh, (dad magaalada guryo ku leh oo hadana boobay dhulkii dowladda)  Dowladda waxaa laga doonyaa laba arin midood.

Tan koowaad waa in dadkaas camiray dhulkii iyo dhismayaashii dowlada meesha laga kiciso oo ay dowladdu  guryo kale u dhisto si ay ugu bedeshan kuwa ay hada degan yihiin.  iyo tan labaad oo ah iney u dhaafto dhulkaas oo ay dowladu banaanka uga baxdo Magalada si ay Magaaladu u neefsato.

                       Yaan la yeelin uun sidii hore..

Dadka degan Magaalada Muqdisho waxay ka dheregsan yihiin oo ay lawada socdaan dhismayaashii Dowlada ee laga bixiyey dadka maatada ah kuwaas oo hoy u noqday Eeyaha iyo wixii la hal maala sida dhismihii Wasaaraddii Beeraha, Qorshaynta Qaranka iyo Wakaalddii Biyaha Xamar..

  1. Waxaan ka cudur daaranayaa haddii uu jiro  dhul badan  oo aan ka tegey,  iyo meelaha qaar oo aan qalday, waa garaad yaridayda.

 

  1. Cabdinaasir Xersi Iidle

E-Mail naassirx1@gmail.com

Tel 00252615503978