Dihashada Qalbiga Nugul iyo Dabinnada Caashaq-digaagga!

0

Dihashada Qalbiga Nugul iyo Dabinnada Caashaq-digaagga!
Noloshan casriga ah Jiilka cusub wuxuu la kulmaa turuntorrooyin raad-reeb xun ku yeesha
mustaqbalka da’da soo koraysa. Sannadahan dambe waxaa si weyn farta loogu fiiqaa tahriibka
iyo burcadnimadu halista ay galiyaan dhallinyarada iyo xitaa naftooda guud ahaanba.
Intuba waa dhab oo waa dhibaatooyin jira. Shaki kuma jiro intuba in ay yihiin dhibaatooyin
maja xaabiya mustaqbalka da’da soo koraysa. Hayeeshee, waxaa jira dhibaata aan ka waxyeella
yarayn kuwa aan soo xusnay. Dhibaato kale oo aan loogu baraarugsanayn ama loo hadal hayn
sida kuwa kore, taas oo nolosha da’da yar dhaxalsiisa cawaaqib-xumo aan ka dhibaato yarayn
tahriibka iyo burcadnimada. Waa maxay aafadaasi? Waa dareenka cishqiga ugub, dayowga
dumarka da’da yar iyo dabinnada shabeel-naagoodku dumarkaas ku shirqoolo; Waa halka aan
la beegsan doono diiradda qoraalkaygan.
2. Waa maxay caashaq ama Jacayl?
Caashaqu waa dareen qoto dheer oo dhaqsa kuugu fogaada.
Dareen xanuun iyo macaan wada socda ah, dareen beddela majaraha nolashaada. Dareen
dhadhan u yeelo dadnimadaada. Dareen ku gaarsiiyo heer aad ka dhex hesho laabtaada awood
dhaqaajisa jiritaankaaga qofahaaneed.
Dareen holac ku balbaliyo laabtaada. Waa tii ay lahayd dalays, Cishqigu ma dabbaa? Ma daruur
da’ daa? Ma daad ku qaadoo badda kugu daraa?
Haa Khadiijo intuba waa yahay ayaan cod buuxa ku leeyahay.
3.Caashaqa dhabta ah iyo astaamaha lagu garto.
Caashaqa dhabta waa astaama iyo is bedbeddal badan yahay, heerar kala duwan ayuuna
maraa.
Caashaq ugub ah, mid gaamuray oo xididaystay iyo laba kaclaynta caashaqa seeta-dheeraada.
Laakiin waxaa jira heerarka caashaqu astaamo ay wadaagaan:
a. Daacadnimo iyo turaal dheeraad ah.
b. Xiisa/busayl/hilow joogta ah, aan is bedbeddalin.
c. Naxdin-farax aragtida ruuxa dareen

d. Firficooni dheeraad ah.
e. Dhaqdhaaqa maskaxda oo jooga mar walba.
f.Hurda la’aan.
g. Danayn aad danayso nafsad aan taada ahayn si weyn. Kd.
Intan waa kuwii la tixi karay, hayeeshee, waxaa jira boqolaal astaamo oo hadba ruuxa caashaqu
haleelay la gaaddaa dhaco. Waxaa jiro astaamo mar la arag ah, kuwa ku seeman dad badan iyo
kuwa guud oo dadka caashaqu ku dhacay oo dhan ka simanyihiin. Caashaqu waa dareen-jacayl
oo dhaafay xadkii loogu talagalay; dhankuu doono ayuu u badan karaa; sidaas darteed, waxaa
jiri kara astaama anfariir la noqdo dadka gabal ka mi ah. Wuxuu gaarsiin karaa dadka qaar heer
dhimasho, taas oo ka dhalata awood ka tan badan uu caashaqu la yimaado.
Wax walba oo dunidan yaalla waxay leeyihiin samo iyo xumo, laakiin samaha ayaa bata mar,
mar kalana xumaha. Caashaqana waxa uu u kala baxaa Caashaq Togan”wanaagsan” iyo
caashaqa Taban”aan taabba-galin”. Caashaqa taban ayaa u sii qaybsamo qaybo badan. Haddaba
innaga qoraal ahaan waxaa inaga quseeyo caashaqa taban kiisa ugu xun caashaq, waa Caashaq-
digaagga. Ma garanaysaa caaashaq-digaag!
4.Waa maxay Caashaq-digaag?
Caashaq-digaag! Waa dareen humaagga rabitaan caashaq wato, sidii caashaqa dhabta ah ogaal
la’aan kuma hayso oo waa dareen aad ka warqabto. Dareen aanan waxba u dhmayn haddii uu
waayo ruuxa wax caashaqay, iska daa in uu wax u dhimo oo dhibaato soo gaarto cidda wax
caashaqday ee, Caashaq-digaagga inta badan isagaa u ah dabinno lagu u gaarsado qalbiyada
xalan. Mararka qaar adigaa isku abuurayo Caashaq-diggaagga, mar kale waxay kula ahaanaysaa
in uu caashaq ku haleelay. Waa rabitaan shardi ku xiran, badanaa dareen aan sii qoto dheerayn,
kuna xiran dana dhow oo uu inta badan ka faa’ido ruuxa wax danaynayo, dareen u eg bilowga
caashaq dhab ah laakiin gadaal ka shiiqa. Wax yaabaha lagu garan karo waxaa ka mid ah dag
daga, wanaag badan oo soo hormara, dabeecad inta badan hore u jeed ah bilowga xiriirka iyo
dabinno aan la arkin.
Labada jinsi ee beni-aadamku u qaybsamo rag iyo dumar waa ka yimaadaa xaggooda Caashaq- digaagga, laakiin marka si guud loo cilmiyeeyo ayay waxyeellada kala dhumuc iyo mug
weyntahay.

4:1.Caashaq-digaagga ragga:
Caashaq-digaagga ragga waa kan haweenka waxyeellada ugu badan gaarsiiya. Waa kan
Gabdhaha yar yar ee aan wax khibrad ah ka haysan waayaha ragga iyo xiriiradooda ka tuura
boholaha xarkaga. Rag af-miishaar ku ah haasaawinta dumarkan indha baqaaqa ah ayaa
majaraha u qabta gabadh qalbigeedu dihnaa oon wali iba-furin. Wuxuu dajiyaa samada illeen
waa nin ku xeel-dheeraaday qurxinta beenta iyo faan aan kala joogsi lahayn. Wuxuu hor
keenaa, nolol ay berri ku riyoon jirtay iyo mid markaasba ugu horeyso. Caashaq-digaaggan
raggu ku maamulo qalbiyada hablahan aaney noloshu sadar uga bilownayn ayaa meelo dhowr
ah ku aroora. Maadaama uu raggu damac la abuur yahay, markii ay arkaan gabar qurux ama sifa
kala oo wanaagsan ku soo jiidato, waxay uga hiloobaan qalbiga, markaas baa ay la billaabaan
xiriir, markii uu muddo socdo xiriirka ayaa waxa uu arkayaa in aysan ugu fogayn qalbigiisa sidii
uu moodayay caashaq dhab ah, halkaas ayuu ku jabaa qalbigii gabadha is raacsiisay ee
mooday”Jacaylkii dhabta ahaa”. Dar kala ayaa iyaga oo aan is ogayn waxay laabtooda ka
arkaan”rabitaan dumar”/jinsi, waxaa qalbigooda ku soo dhaca caashaq baad la il-darran tahay,
gabadh ayuu la billaabaa xiriir dhow, markii ay meesha ka baxdo baahidii gubaysay, ayuu arkaa
in uusan ahayn caashaq wixii hayay, halkaas ayaa uu ku dhintaa mustaqbal dhan. Mid baa jiro
ku tala-gal u abuuro xiriir, dabin maleego, isaga oo og dhibta soo gaaraysa qalbigan u nugul
ayuu aqoon-darrada iyo ka digtoon la’aanta ugu talax tagaa hagar-daamada gabadhan yar.
Danaha ama ujeedka ugu weyn ee uu ka leeyahay waa in uu ku meel gaar ahaan u qaato wax
isaga markaa la taagan yahay faa’ido u leh.
Gabdhaha sidooba waa u nugul yihiin dareemada, iyagaana u rumaysan og Caashaq-diggaagga,
iyagaa suga ama u samro xiriir aan jirin. Qalbigii wax caashaqa waa qalbi daciif u ah qofkii uu
caashaqay, gabadhii qalbiga nuglayd haddii ay dareen-dhab ah qaaday qalbigeeda ayuu
meermeeris iyo go’aan aan caddayn ku wareejiyaan ragga gabal ka mid ah. Qalbigaas sahayda
ka dhigtay sugidda. Lugooyada uu marsiinayo ninka gabadhan u qalbi daciifsan ayaa ah
Caashaq-diggaag. Xiriirradaas iyo kuwa kale oo aan asal ahayn waxaa lagu magacaabi karaa:
Caashaq-diggaag.
4:2.Caashaq-digaagga dumarka:
Ragga oo kaliya ma caashaq-digaageeyo, dabinna ma maleego ee waxaa jira dumar iyagana
danahooda qaar u maro xiriirro-jacayl; iyaguse ka waxyeello yar ragga. Dumar hogaanka
dareenka u qabto qalbi nugul oo daahir ka ah xumo oo dhan. Ilinada ay ka billaabmaan
xiriirradaas waxaa ka mid ah, mid ay hanti horseed ka tahay, iyagoo dhaqaala raadis ah ayay
laab aan wax dareen ah ka qabin dabinkan beenta ah ku dareen-jiitaan una hoosaasiyaan hog
hantaaqa ah iyo mustaqbal mugdi ah, iyagoo sheeganaya dareen Caashaq.

Dar kale ayaa iyaguna “dareenkaas jinsi” u maro, iyagoo ay la noqoto dareen-caashaq, markii
arrinka dhabtii gaarto baa xargihii is daayaan. Dumarka qaar baa u billaabo xiriir caashaq in ay
ku gaaraan dano fog, tusaalo nin baa ay dareen dhab ah u haysaa wixii ka hortaaganba waxaa si
aan qorshaysnayn meesha ku soo galo qalbi dihan oo la ogayn halka uu noqon doonno
aayihiisa.
Haasawaha badan, shirin rag aan la koobi karin, iyada uu qiilku yahay “kun bay koobisaa, kowna
waa ay kala baxdaa”, damac adduun iyo xiriirro aan laga fiirin maxaa soo gaari kara dhinaca kale
ayaa intaba ku arooro dookh-beenaad ama caashaq-digaag.
5. Waa kuma Shabeel-naagood:
Shabeel waa bahal duurjoogta ugaaarsato kaalmaha hore kaga jira. Wuxuu daf, laacdan, xoog
iyo xeeladba ku raadsadaa danihiisa. Shabeel lagu laray naag/dumar waa shabeel-naagood waa
ugaarsadaha gabdhaha u nugul caashaqa. Shabeel-naagood waa xeeladle beenta ku afmaal ah,
iyaduu ku gaaraa qalbiyadaas u dabacsan dareenka rabitaan-jaceylka ah. Dareenka aan wax kala
soocin ee sidiisa ku liqa wax kasta. Halkudheggiisu waa hoo dhadhami gabdhuhu waa in ay
dhaga nuglaadaane.
Shabeel-naagood waa kii lagu matalayay xumihiisa calankana u hayay ruwaayaddii caanka
aheyd ee Shabeel-naagood; magac ahaanna ku maamuusnaa Xassan Sheekh Muuminna la
jeclaaday magac ahaan. Wuxuu gabdhaha yar yar iyo kuwa aan ku baraarugsanayn
waxyeelladiisa u xabad liqaa sidii maagaalooti. Meesha uu maro iyo gabadhuu la kulmaa waa in
uusan uga tagin sahal kolay ku tahay in uu ugu yeero magaceeda oo Sonkor saliidaysan.
Shabeel-naagood waa xeel-dheere khabiir ku ah dabinnada damarka. Af-macaan iyo malab buu
ku macnaysan yahay.
Wuxuu si isku mid ah u sheegaa run iyo been, isagoo waa Shabeel-naagoodka ee raba dana aan
sii ridnayn, dana aan wax shaqa ku lahayn aaya-dambe.
Gabadhaha aan wax feejignaan ah ka qabin ragga iyo xiriiradooda ee ka ah “xalay dhalay”
waxaa uu shabeel-naagood u tusaa nolosha waji kale; ka dib baa gabadhii ubaxa baxaaya aheyd
ka hartaa baskii aynigeeda.
Qalbi dihday dareen caashaq dhab ah, marka laga tago qalbi jabka, karaama darrada, iyo ka
haridda horumarka, dhibta ugu weyn ee uu gaarsiiyaa shabeel waa in uu garciyaa, qalbigii
ugubka ahaa ee beenta lagu iftitaaxay, waxaa raaca calooshii ugubka ahayd in iyadana lagu arko
ilma dhaxjiifa, markaas ayay ku dambaysaa shallay iyo qoomamo, goor xeer iyo fandhaal kala
dhaceen, waa sidii ku dhacday gabadhii shallaayo oo ay ku socotay ruwaayaddii caanka ahayd
ee shabeel-naagood.

6. Shallaayo ma dhammaato:
Dareenka qalbiga dihan ka qaaday saynsaabkii ee Caashaqa-digaagga loogu been-hawaasay
ayaa mustaqbalka gabdhaha yar yar mugdi galinayo. Gabdhaha yar yar ee jiilkan cusub ayaan
aragnaa dhibaatooyinka kala soo darsi karo xiriirkan caashaq-beenaadku hogaanka u hayo.
#Qisa xanuun badan oo ku dhacday gabadh yar oo ardayad ah ilma caloosheeda galay u god
gashay, markii lagu fekeray in ilmaha yar laga soo baneeyo caloosheeda dhiig-baxna u
dhimatay, dareen jacayl lagu sheegay ayuu ka billaabmay xiriirkaas uu ilmaha ugu jiifsaday sida
aan sharciga ahayn caloosha ardayadan!!
#Gabadh kale baa kaga tagtay wadda cad cunug yar oy dhashay, yaan lagu dhihin garac bay
dhashay owgeed, kana samirtay ilmihii yaraa.
Kow iyo laba lama oran karo dhacdooyinkaas xanuunka badan.
Waxay qalbi dillaac, Ayaayatiin la’aan iyo garcinba ka dhaxashaa wax dareen-caashaq isaga
dhigay. “Caashaq-digaag”!
Shallay iyo haaraan baa ku biya shubto, halkii ay kula hanweynaayeen waalidkii ku soo tiir iyo
tacab beelay korintooda. Shallaayo, waxaa lagu mitaalay gabadhii Shallaayo dhibkii ku dhacay
Riwaayaddii caanka ahayd ee Shabeel-naagoood. Shallaayo waxay u taagneed ama matalaysay
xanuunka iyo aynfaadka soo gaaraya, gabdhaha yar yar ee lagu shirqoolo xiriirrada beenta lagu
aasaaso. Waa tii uu shabeel ilmaha caloosheeda dhex-jiifsaday. Waa tay maahmaahdu ahayd
‘Laxiba shilkay is dhigtaa lagu qalaa’, gabadh walba oo shabeel-naagoodka la xiriira magac
ahaan dumarka”naagood” ku adeecdo “dharka siib gabdhuhu waa in ay dhaga nuglaadaane”
waxaa u dambeeyo caloolyow iyo burbur nololeed, Shallaayo ma dhammaato inta shabeel-
naagood casharradiisa dhaga maqlaa jiraan.
Hakinta Dabinnada shabeelka: “Dawa Ku meel-gaar”
Dhibaatada lagu baraarugsan yahay ee isha iyo afkaba lagu wada hayo waa la helayaa dhaxalka
dawadeeda. Wixii lagu baraarugsan yahay waa laga gaashaantaa, aakhirkana dawa loo helaa.
Dhibaatooyinka waxaan daran kuwooda daahan ee dad badan ka dahsoon, marka laga reebo
inta ay haleelaan oon awood u yeelan in ay ku faafiyaan fagaarayaasha bulshada. Waa kuwaas
kuwa dadka gaadmada ku dila; waa halkii loogu maahmaahay “Waraabaha kiisa qayliya, kan
aamusan baa ka daran”.
Dhallinyaro badan ayaa kaga haro waddadii ilbaxnimada, markii ay si aan kala sooc lahayn ugu
talax tagaan xiriirrada aan salka u fadhin.

Kawa badan oo wadaddii saxda ahayd ka leexday, kuwa waxbarashii ka haray, qaar wajiga
nolosha la qaraaraatay oo si kale u fekerayo iyo kuwa nafsadooda ku waaya, hagardaamada
dareen-beenaadka. Qalbiyada xiriirka ugubka ah u sido hogaanka waxay si dheerayso u jaraan
masaafooyin fog oo mudan ka fiirsasho. Dareenkan curdinka ah ayaa u tuso wax walba wanaag
wuxuuna ka owdaa indheer-garadnimada mustaqbalka.
Shallayka in uu shiiqo ama yaraado, dhibta in ay gadgadoonka waxyeellada gaabiso. Dareen-
beenaadka, caashaq-digaagga, danaha qarsoon iyo dabinnada shabeel-naagood hakintooda
ayaa faran bulshada.
Dawada dhammaystiran ayaan miiska inoo saarnayn, laakiin aan kaalmaysi iyo
ka hortag sii billowno.
*Billowga xiriir walba wuxuu mudan yahay ka fiirsasho.
*Waa in waqti ku filan siiyaa xiriir kasta oo dhax-marayo qofka iyo dhiggiisa kale.
*Waa in aan lagu dagdagin go’aanka ah “in si ruuxi ah qofku isku dhiibo”.
*Waa in wada tashi la giliyaa arrin kasta oo u baahan tala-wadaag.
*Wax kasta oo ku shaki galiyo oo ku lammaansan dareenkaaga shakigaaga raac isagaa sax ah.
*Dareenka beenta ah ma fiicno diin ahaan iyo dhaqan ahaan, marka ma haboono in qalbi kuu
nugul kaga faa’idaysato nugaylkiisa.
*Waalidiinta, gaar ahaan hooyooyin waa in ay fursad siiyaan gabdhahooda una xor galiyaan
haasaawaha, si aysan iyagoo ka dhuumanayo xaafadda ugu dhicin dabin uu shabeel dhigay.
*Bulshada waxaa huran in ay wacyigeeda sare ku diido dareen-beenaadkan.
*Qalbiyada wax jecel waa in dhaawaca laga ilaaliyaa oon lagu been haasaawin caashaq aan jirin.
Wax kasta oo aad lumiso, waxaa ugu qasaara badan qalbi ku jecel ood lumiso ama dhaawacdo.
Dhaawac kastana waxaa ugu fog ama aan daweysmin, dhaawaca ka dhasha caashaq-digaag.
Intaas waxaa ku dhan faalladii hordhaca iyo iftiiminta u ahayd xiriirada xumaada xanuunkana
reeba aan ku darsaynay.
Qof kasta oo iga cilmi iyo aqoon badan, waxaan ka codsanayaa in uu inoo qoro, daraasado haba
yar yaraadaane, lagu darsayo dadnimada luntay iyo boogaha furan..

W.Q Saynab xaaji Axmed “ugbaad”