Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka geystay deegaanka Diif oo ay shalay la wareegeen Dagaalyahannada Al-shabaab, halkaas oo ka mid ah goobihii u dambeeyay ee lagu dagaallamay.
Duqeynta ayaa la sheegayaa in ay Dhacday Aroornimadii Saakay, waxayna Ciidamada Kenya la beegsadeen Saldhig ciidamada Shabaab ay halkaas ka sameysteen.
Deegaanka Diif Al-shabaab ayaa War ay Baahiyeen Shalay Gelinkii dambe waxay ku sheegeen in ay kula wareegeen Dagaal waqti kooban qaatay.
Fariisinta la duqeeyay ayaa la sheegayaa in uu ku sugnaa Sarkaal sare oo ka mid ahaa kuwa dagaallada u qaabilsan Al-shabaab in kastoo aan magaciisa iyo waxyeellada gaartay midna la shaacin.
Saraakiisha Kenya waxay sheegayaan in duqeynta ay ku dileen ku dhowaad 5 dagaalyahan, tiro intaas ka badanna waa ay dhaawacmeen, sida uu sheegayo Afhayeen u hadlay ciidamada Cirka ee dowladda Kenya.