Diyaarado duqeyn ka fuliyay Shabeellaha Hoose

0

Diyaarado dagaal ayaa la sheegayaa in ay duqeyn ka geysteen gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo khasaare uu kasoo gaaray Al-shabaab iyo dad rayid ahba.

Duqeynta oo dhacday Gelinkii dambe ee Arbacada ayaa la sheegayaa in ay ka dhacday deegaanka Ilimey oo ka tirsan deegaannada Gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo Gaari ay wateen sida la sheegay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab lagu duqeeyay.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur ayaa u sheegay Reuters in duqeynta lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab in kastoo uusan Magaciisa sheegin.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa dhanka kale sheegay in duqeyntaas ay diyaaradaha Shisheeye la beegsadeen Dad Rayid ah, wuxuuna beeniyay in xubin ka tirsan Al-shabaab ay halkaas ku dhimatay.