Doorashada Gud.Baarlamaanka oo Bilaabatay//256 Mudane oo Joogta

by admin | Wednesday, Jan 11, 2017

Goordhaweyd waxaa ka bilaabatay Xarunta Golaha Shacabka Magaalada Muqdisho Doorashada Gudoomiiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa fadhiya Madasha Afarta Murashax Ee baarlamaanka Gudoonkiisa ubaratamaya iyagoo weliba is ag fadhiya.

Ilaa 256 Xildhibaan ayaa fadhiya Kulanka waxaana sanaadiiqda Codadka lagu dhiibayo goordhaweyd la tusay Baarlamaanka inay faaruq yihiin iyadoo Qolalka la hubiyey in aan looga soo tegin Warqado.

Sidoo kale waxa Xildhibaanada laga mamnuucay in Qolalka ay la galaan marka codkooda dhiibanayaan Taleefoonada gacanta (Mobile).

Xiddig iyo Jawaari ayaa labo kursi isku dhaw fadhiya waxaana labada murashax ee Xilkaasi utartamaya,iyadoo goor dhaw magacyada lagu dhawaaqay.

Like it? Share it!

Leave A Response