Doorashada Kursigii Baarlamaan ee uu ka dhintay Cabaas Saraaji oo Kismaayo ka dhaceysa, Walaalkiis waa Musharax!

0

Doorashada kursi Baarlamaan oo uu ka dhintay Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabaas Shiikh Saraaji ayaa waxay ka dhaceysaa magaalada Kismaayo.

Kursiga oo ay ku tartamayaan xubno badan ayaa waxaa ka mid ah dadka Tartamaya Walaalka la dhashay Xildhibaankii dhintay.

Maxamuud Shiikh Saraaji oo ah wiil la dhashay Wasiirkaas la dilay ayaa wuxuu ka mid yahay xubnaha u tartamaya kursiga Baarlamaan oo doorashadiisa lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Doorashada Kursiga Baarlamaan ayaa waxay dhaceysaa Maalinta Khamiista ah, iyadoo ay xubnaha Tartamaya kasii billaabeen olalahooda ay ku doonayaan in loogu doorto Kursigaas.