Dowlada Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka oo shirkad Shishiiye u saxiixay heshiis lagu bixinayo shatiga kalluumeysiga

0

Dowlada Soomaaliya iyo Maamul gboleedyada dalka ayaa saxiixay heshiis Mugdi badan uu ku jiro oo ku saabsan habka bixinta Shatiyada Kalumeyiga .

Heshiiska ayaa si gaar ah wuxuu  ku saabsan yahay qaabkii loo bixin lahaa shatiga kalluumeysiga dalka, gaar ahaan Kalluunka loo yaqaano Tuunnada sidii loo maamuli lahaa dakhliga ka soo xarooda.

Shatiga heshiiskan ayaa waxaa la siiyay shirkad gaar ah oo laga leeyahay Qaaradda Aasiya, laguna magacaabo Indian Ocean Tuna Commission.

Heshiiskan ayaa waxaa saxiixay Wasiirada kalluumeysiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyo wasiirada maaliyadda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Sida ka muuqata qoraalka uu ku qoran yahay heshiiskan oo ah mid mugdi ku jira ayaa ku qoran luqad ajnabi ah, waxaana muuqata in madax banaanidii federaalka inay meesha ka baxday, maadaama dal shisheeye heshiis lagula galay.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa isla qoondeynaya halka lacagta lagu bixinayo,.

Warar Soo baxaya ayaa sheegaya in shirkadaan loo saxiixay bixinta Shatiyada Indian Ocean Tuna Commission ay shere  ku leeyihiin madax ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya .