Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in maxkamad la soo taagi doono ciidamo ka tirsan AMISOM

0

Xeer ilaayahay qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in sharciga la la tiigsan doono ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo shalay lagu soo qabtay magaalad Muqdisho,iyagoo iibanaya qalabka loogu talagay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Axmed Cali Daahir xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee lagu soo qabtay iyaga oo iibinaya qalabka AMISOM lagu wareejin doono hay’adaha baarista Soomaaliya,madam ay danbiga ay ku galeen Soomaaliya .

Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo soo taagi doono,islamarkaana la marsiin doono waxii uu sharciga uu ka qabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here