Dowladda FS oo Xabsiyo ku Yaalla Liibiya kasoo deysay Muwaadiniin kale

0

Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Xabsiyo ku yaalla Liibiya kasoo Saarto Maxaabiis Soomaaliyeed, kuwaas oo dalka dib loogu soo celin doono.

Safiir Cali Fiqi, ayaa sheegay 13 dhalinyaro Soomaali ah inay garawsadeen in dalkooda hooyo dib loogu celiyo, islamarkaana ay u dulqaadan waayeen xabsiyada dalka Libya dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ku haystay.

Barta xiriirka Bulshada uu ku leeyahay Safiir Cali Fiqi, ayaa wuxuu soo dhigay hadal kooban oo muujinayay dhalinyaradaasi xabsiyada laga soo daayay iyo sida dowladda Somaliya ay ugu dadaashay.

“Wiilashi ugu horeeyay ee Xabsiyada Tajora iyo Sika ku xirnaa ayaa Saakay ka ambabaxey Magaalada Tripoli iyagoo ku si jeeda dhulkoodi hooyo. Waxay marayan TUNIS, Istanbul kadibna Muqdishu, iyadoo ka degi doono Garoonka Adan Abdulle Osman maalinta Arabacada Subaxdii” ayuu hadalkiisa ku daray Amb. Cali Fiqi.