Dowladda Kenya oo sheegtay in ay dishay 21 dagaalyahan ka tirsan Shabaab

0

Dowladda Kenya ayaa sheegay in ay dishay dagaalyahano muhiim oo ka tirsan ururka Shabaab dagaal ka dhacay gobolka Jubba hoose gaar ahaan inta u dhaxeeya degmada Dhoobleey iyo deegaanka Tabda.

War ay warbaahinta gaarsiiyeen ciidanka difaaca dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ay dileen ku dhawaad 21 dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab dagaal culus oo ka dhacay deegaanka loo yaqaano hawina oo ka tirsan gobolka Jubba Hoose.

Afhayeen u hadlay ciidanka difaaca dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen dhammaan kooxdii soo qaaday weerarka gaadmada ah,waxa uuna intaas ku daray in dadka ay dileen uu ku jiro nin lagu magacaabo Axmed Barta oo dowladda Kenya ay sheegtay in uu ahaa hogaamiye Sare.

David Obonyo oo ah afhayeenka ciidanka dowladda Kenya ayaa sheegay in ciidanka dowladda Kenya oo ka soo baxay degmada Dhoobleey kuna sii jeeday deegaanka Tabda ee jidka u galeen dagaalyahano ka tirsan ururka Shabaab,halkaas uu dhacay dagaal culus oo sababay in goobta ku dilaan 21 dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.

David Obonyo ayaa sidoo kale sheegay in dagaalyahanadii weerarka soo qaaday ay ka furteen hub aad u farabadan oo isku jira nuucyada kala duwan qoryaha.

Ciidanka difaaca dalka Kenya waxay dhankood sheegeen inysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dhankooda.

Xarakada Shabaab ayaa weli ka hadlin warka kasoo baxay dowladda Kenya kasoo ah in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here