Dowladda oo sheegtay inay fashilisay weerar ay Bariire ku qaadeen Al-Shabaab

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in Al-Shabaab ay xalay isku dayeen inay weeraraan Deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose iyaga oo labo jiho ka soo weeraray,hayeeshee la fashiliyay.

General Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka lugta ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in  u  14 kamid Xubnihii Shabaab ee weeraray deegaanka Bariire ay halkaasi ku dileen,hayeeshee majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya waka kasoo baxay  General Odawaa.

Deegaanka Bariire ayaa dhawaan waxaa Al Shabaab kala wareegay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab kuwaas oo halkaas ka sameeyey howlgalo isdaba joog ah,waxaana sidoo kale ay la kulmayeen weeraro kaga imaanayay dhanka Al-Shabaab.