Dowladda Soomaaliya oo Jawaab Ka Bixisay Amar ay Soo Saareen Al-shabaab

0

Dowladda Soomaliya ayaa jawaab kulul ka bixisay Amar Maleeshiyaadka Al-shabaab ay kusoo rogeen qaar ka mid ah degmooyinka Magaaladda Muqdisho.

Al-shabaab ayaa la sheegay in degmooyinka woqooyiga Magaaladda in ay ka Mamnuuceen Ciyaarta kubadda Cagta.

Raisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo maanta ka qeyb galay Barnaamij ay soo qaban qaabisay wasaaradda Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya inaysan horumarinta isboortiga u joojin doonin hadalka Al-shabaab iyo amarada ay soo saaraan.

Dhanka kale Wasiirka Dhalinyarrada iyo isbootiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Al-shabaab aysan awood u lahayn inay amaro ka fuliso Magaaladda Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen milkiilayaasha Garoomada Salaxaha ah ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa Al-shabaab ayaa amar ku bixiyay in aan la ciyaari Karin Kubadda cagta.