DPWorld oo maanta la wareegeysa Dekadda Boosaaso

0

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa ka socda munaasibad Dekadda Magaaladaas ay kula wareegeysi Sharikadda Dekadaha ee Dalka Imaaraadka ee loo yaqaan DPWorld.

Munaasibaddan waxaa ka qeybgelaya Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale dhinaca DPWorld waxaa iyana uga qeybgelaya mas’uuliyiin ka tirsan Sharikaddaas oo horay iyada ula wareegtay Dekadda Magaalada Berbera.

DPWorld waxaa ay 30ka Sano ee soo socda maamuli doontaa Dekadda Magaalada Boosaaso,si la mid ah Dekadda Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Heshiiskan DPWorld kula wareegeyso dekadda Boosaaso waxaa horay u saxiixay Madaxweynaha Mamaulka Puntland oo mas’uuliyiinta sharikaddan kula kulmay Magaalada Dubai ee Sharikadda fadhigeedu yahay.

Dowladda Imaaraadka ayaa wadda la wareegista Dekadaha Soomaaliya,waxaana hadda qorshaheeda socda Dekadda Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose iyada oo Dekada Kismaayo,Hobyo iyo Markana ay ka midyihiin kuwa ku jira liiska dekada Soomaaliya ee ay DPWorld daneyneyso in ay maamusho.