DUNIDU MAXAY INOO DABAR JARAYSAA? Qormo Xasaasi ah:

0

Ma garan karo sababta aadanaha oo dhami uu hashiis ugu wada yahay in Soomaaliya laga tirtiro arlada,
Ma garan karo wax aan cadaw ugu noqonay dunida inteeda kale oo inaga dhigay tuke cambaar leh,
Marka aad dib u eegto hagar daamooyinka foosha xun ee la inoo gaystay waxaa kuu soo baxay in hashiis lagu wada yahay in Soomaaliya laga tirtiro saaxada jiritaanka, ma garanayo sabab,

Waxaan meel ka akhriyay qoraa si xeel dheer u cabiraya dhibaatada Soomaalida ku habsatay, wuxuu u kala qaaday dhibaato dhexdeena ah iyo dhibaato dunidu inagu hayso,
Se qoraagaasi wuxuu kaga gadisan yahay kuwa kale labo sheeko ayuu inoogu tusaaleeyay dhibaatooyinka inagu habsaday,

Iga ogolow in aan labadaa sheeko kuu soo horumariyo inta aanan u gudbin ula jeedada qormadaan,

1. Dhibaatada dibada:
Soomaalidu waxay aad isugu eg yihiin xayawaanka la yiraahdo Malayga, ama Kaluunka, malaygu waa xayawaanka ugu ayaanka daran xayawaanada, sababtuna waxay tahay noole kasta oo kale wuxuu si aad ah u jecel yahay in uu cuno hilibka malayga, ma jiro noole ka caagan hilibkiisa, taas oo sababtay in cid kasta oo kale ay ugaarsato, il iyo aragtina lagu wada raadiyo, xitaa malaygu wuxuu aad u jecel yahay in uu cuno hilibka Malayga,

sidaa si la mid ah Soomaalidu waa dal iyo dad cid kasta oo kale ay dano guracan ka leedahay, ayna doonayso in ay si qaldan uga gaarto danaheeda, dal kasta oo kale wuxuu doonayaa in aysan jirin dal Soomaaliya la yiraahdo,
Nasiib xumo Soomaalida qudheeda ayaa dano guracan iska leh, oo aan doonayn in ay dal ahaadaan,
Marka aad si qoto dheer u eegto tusaalaha Kaluunka waxaa kuu soo baxaysa in ay Soomaalida wax badan wadaagaan,

2. Dhibaatada gudaha

Soomaalidu waxay aad isu shabahaan dhanka nolosha xayawaanka la yiraahdi Daa’uuska,

Daa’uusku waa xayawaanka ugu quruxda badan dhigiisa, wuxuu eebe ku manaystay haybad iyo bilicsami aysan jirin cid la wadaagta, wuxuu asaagii dheer yahay qabwayni iyo isla sarayn ka dhalatay kalsoonida uu ku qabo samayskiisa,
Marka uu baalaha fidiyo ee uu dib u jaleeco midabyada indho daraandarka ah ee alle ku cabiray korkiisa ayuu isla waynin xad dhaaf ah dareemaa isna tusiyaa in aysan jirin cid ka qurux badan,

Nasiib daro wuxuu soo xasuustaa boog ur badan oo bogga kaga taala Daa’uus oo dhan,
boogtaas oo marka ay u soo urto ku abuurta cuqdad uur ku taalo ku noqota uuna jeclaysto in uu mar uun dhinto, sababta ugu badan ee Daa’uus u dhintaana waa cuqdada uu ka qaado boogtaas bogga kaga taala,

Sidaa si la mid ah qoomiyada Soomaalida wuxuu alle ku manaystay haybado aysan jirin qoomiyad kula tartami karta,
Waa qoomiyad dagta dhul aad u balaadhan, eebana ku manaystay khayraad iyaga kaliya gaar loo siiyay, waxay dagaan dhul ka ugu istaatiijiyada fiican arlada, oo dalkastaa uu u baahan yahay, waa qoomiyad hal diin rumaysan waligeedna aan dhulkeeda sanamyo lagu caabudin, waa qoomiyad hal luuqad ku hadasha,
Waa qoomiyada ugu faca iyo firka wayn Insaanka, waa qoomiyad dhan kastaa ka dhamays tiran,

Marka Soomaalidu nimcooyinkaa eegaan ayay isla qab waynaadaan, oo is cajabiyaan, nasiib xumo se markaa ayay dib u soo xasuustaan boog ceebeed bogga kaga taala taas oo ah qabyaalad iyo qabiilaysi asaagood ka hoos mariyay,
Marka ay midaas soo xasuustaan ayaa hankii ka dhintaan, oo cuqdad is galaan hoosna eegaan,
Xigasho: Aroma

Marka aad dhab u eegto xaalada Soomaalida labadaas tusaale ayaad dhaafin waynaysaa, qormadaan waxaan rabaa in aan ku iftiimiyo hagar daamooyinka dunidu nagu samaynayso,

Dhaantada ku soo durug,

Sida kaaga muuqda tusaalaha koowaad dal kasta oo dunida ka mid ahi tabcuu nala maagan yahay, qaar badan oo iyaga ahina dibir culus ayay nala heleen,

Hadii aynaan fursad siin lahayn oo aan danaheena u tashan lahayn cidina dhibaato inooma gaysateen, waxaa hubaal ah inta badan dhibaatada inagu dhacday in aan gacmeheena ku samaynay, taas macnaheeda ma noqonayso in aan cidina ina fara galin, waxaaba la dhihi karaa Soomaaliya dhibaato kama dhicin ilaa gacmo shisheeye ayaa riixayay,

Dal la dhibaateeyo uma aynaan horayn, oo horteen ayaa dalal lagu tuntay, ha yeeshee sida la inoo dhibaateeyay dal loo galay ma jiro,
Marka aad u dhugmo yeelato wax yaabaha Soomaaliya lagu sameeyay waxaa kuu soo baxaysa in uu jiray qorshe saaxada jiritaanka la inooga tirtiri rabay, haa been ma ahan waa hubaal in la doonayay in La tirtiro magaca Soomaaliya dhulkaana laga dhigo meel banaan,

Aan dhowr tilmaamood dhagta kuugu sheegee i amaahi dhaayaha

Ma waxaad doonaysaa wax uun cadaynaya hagartii dunidu inoo gaysatay, tusaalooyinkaan qodobaysan is dul taag,

Tusaalaha koowaad,

Soomaaliya waxaa loogu tala galay in aan qofina ku noolaan, iyadoo midaa la fulinayo ayaa dunidu waxay inoo soo waariday sunta haraaga Nuglayrka, oo sababi karta in ay baabi’iso dhamaan noolaha ku nool dhulka Soomaalida iyo dariskooda, ma ahan mid qarsoon waa arin caalamku wada ogyahay, ma jiro dal ka hadlay, iskaba daa in ay ka hadlaane inta badan dunidu dhoosha ayay ka qoslaysay,

Waad i dhihi kartaa looma wada dhamayn, ana waxaan ku leeyahay waa loo badnaa,

Tusaalaha labaad:

Nooluhu wuxuu ku noolyahay Ogsajiinka oo ah shayga ugu muhiimsan jiritaan kiisa, sida aan wada ogsoonahay dhirtu waxay soo saartaa ugu yaraan dhamaan Ogsajiinka aan quudano,
Dunidu waxay dhaqaale aad u xoog badan ku bixisay sidii loo cirib tiri lahaa dhamaan dhirta Soomaaliya ka baxda iyagoo lacago qaali ah ku iibsan jiray Dhuxusha,

Waxay inoo keeneen qalab si fududu loogu xaalufin karo dhirta kaas oo awood u leh in uu maalintii jaro 1000 geed, qorshuhu wuxuu ahaa in Soomaaliya laga dhigo saxare lama degaan ah, si aysan nololi uga suura galin,

Waxaa wax kasta iiga xanuun badan dhuxushii aan dhirteena u gumaadnay in inta barxado waawayn lagu ooday dab la qabad siiyay ilaa ay ka basbeesho, war kaani waa xaqiiqo, dalalka lacagta adag ku iibsan jiray dhuxusheena way gubi jireen marka dalalkooda la geeyo.

Haye midaana looma dhamayn miyaad i leedahay?, tusaalaha xiga bal eeg,

Tusaalaha sadexaad:

Tan aniga ayaa goobjooge ka ahaa, waxaa si joogto ah loo xaalufiyaa khayraadka badda Soomaaliya, si kasta oo loo dabto malayga iyo xayawaanaadka badda ma ahan kuwa si fudud ku dhamaanaya, iskaba daa in ay dhamaadaane way sii badataan mar kasta,

Sida qofka badda yaqaanaa uu ogsoon yahay waxaa jira deegaan badeed ay dagan yihiin xayawaanada badda, Nasiib wanaag Soomaaliya waxay ahayd meesha ugu deegaan badeedka wanaagsan aduunka, taas oo sababtay in kumanaan xayawaan oo aan dunida inteeda kala laga helin ay ku noolaadaan baddeena,
Ayna noqoto meesha arlada ugu khayraad baddeedka badan,

Mudo aad u dheer badda Soomaaliya waxaa ku socday xaalufinta deegaan baddeedka, sida dhulkeena dhirta looga xaalufiyay oo saxaraha lama dagaanka ah looga dhigay ayaa badeenana loo xaalufiyay, waxaa si joogto ah loo burburin jiray gabaadka uu kaluunka iyo xayawaan badeedka oo dhami dagi jireen, maraakiib hubaysan ayaa habeen kasta waxay burburin jireen qararka badda,
Marar badan ayaan maqlay jug culus oo badda dhexdeeda ka yeeraysa,

Arintaani waxay sababtay in deegaan baddeedkii Soomaalidu uu noqdo saxare lama degaan ah, kaluunka ka soo gala badda casna uu waayo hal meel oo uu ku gambado sidaasna uu xawaare uga gudbo baddeena,

Qodobkaan Soomaali badani kuma baraarugsana.

Haye kana maxaad ugu cudur daari doontaa tolow? Adigay ku jirtaaye kan xigga eeg,

Tusaalaha Afaraad:

Laga Soo bilaabo sideedtameeyadii waxaa Soomaaliya ka socday ugaarsiga hal doorka Ummada, waxaad eegtaa inta halyeey ee gudaha Soomaaliya lagu dilay, waxaad ogaanaysaa in uu jiray qorshe lagu cirib tirayo wax garadka ummada,
U fiirso qof kasta oo Soomaali ah oo wax tar u leh dalkeena labo mid ayuu ahaanayaa, mid la dilay oo mar hore aakhiro aaday, iyo mid dalkii isaga cararay oo qaxooti dawarsada ku ah dunida,

Qorshahaani waa qorshe cad qof kasta oo caqli lehna uu fahmi karo, tusaale waxaad u qaadataa, Elman sababtii loo dilay, abdulqaadir yaxye sababtoo loo dilay, Prof yahye Caamir sababtii loo weeraray, kumanaan kalena way jiraan,

Haye tan wax la fahmi karo ma ahan miyaad i odhan rabtaa? Waa yahay midaan kalana eeg,

Tusaalaha shanaad:

Argagixisada Alshabaab iyo Isis ee Soomaaliya lagu beeray waxay galaafteen nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, waxay burburiyeen hanti fara badan, waxay qaxiyeen dad tiro badan,

Dunidu way u jeedaa culayska iyo dhibaatada ay nagu hayaan niman kaasi, waxaa laga fishaa waa in ay inaga caawiyaan cirib tirkooda,

Argagixisadu hadii ay ugu bataan waa 15’000 oo qof, Soomaaliyana waxaa jooga 30’000 oo askari oo nabad ilaalin u yimid, waxaa sidoo kale jooga 30’000 oo kale oo ciidan Soomaaliyeed ah, waxaa cad in uu jiro qorshe Alshabaab lagu naas nuujinayo, hadii aysan sidaas ahayn hal maalin ayaa lagu soo qabqaban lahaa,

Xoggo qarsoon oo qof kasta oo Soomaali ah uu tuhunsan yahay ayaa sheegaya in Reer galbeedku mushaar, hub iyo saanadba siiyaan argagixisada, isla kuwa bixiya mushaarka ciidamada Amisom ayaa bixiya mushaarka Alshabaab, qaraxyada iyo dilalka Soomaaliya ka socdana iyaga ayaa maalgaliya,

Qodob kani waa xasaasi ma awoodid in aad ka hadasho ayaan filayaa, kan xigana eeg bal,

Tusaalaga lixaad:

Dunidu waxay isla garatay in Soomaalida lagu dhiiri galiyo in ay caalamka ku ahaadaan qaxooti tuugsada,

Dalkoodii ayaa dab lagu shiday, in ay hurdo ku ladaana loo diiday, waxaa lagu qasbay in ay dibada u cararaan, markii ay dalkoodii baneeyeena dhaqaale waalan ayaa lagu bixiyay sidii qaxootinimada loogu dhiiri galin lahaa,

Wali ma is waydiisay lacagaha cayrta ah ee Yurub nalagu siiyo sababta naloo siinayo? Wali ma is waydiisay sababta Miisaaniyada xadka dhaaftay loogu qarash garaynayo xeryaha qaxootiga?,
Wali ma ka fikirtay sababta dalkeena loo gubayo dibadana naloogu caawinayo?, wali ma ka fikirtay sababta na loogu fududeeyo in aan dunida u haajirno?, wali ma is waydiisay, sababta ……………..? Sii wad uun,

Hadii aadan wali is waydiin hada is waydii, aniga jawaabtaan ayaa ii soo baxday,
Sababta sidaas loo yeelayo waa in dalkaan nalaka saaro dhamaan teen, dunidana aan ku noqono dad aan dal lahayn, dhulkeenana laga dhigo dal dad la’aan ah, khayraadkiisana dunidu qaybsato oo uu noqdo hanti baylah ah,

Wali ma kaa daadagi la’dahay,
Illaahay iimaanka ha ku galsho markaa,

Tusaalaha Todobaad,

Soomaaliya waqto xaadirkaan waxaa ka socda xatooyo lagu hayo khayraadka badiiciga ah, ayaan dhawayd waxaan ogaanay in gobalada shabeelooyinka uu ka buuxo dahabkii ugu tirada badnaa abid ee Soomaaliya laga helo, sababta shabeelooyinku ay u dagi la’yihiina ay tahay in dahabkaa si sharci daro ah lagu qaato, bilo ka hor ayay ahayd markii la ogaaday in ciida lagu dhisayo garoonka Baraawe Ay tahay carro dahab ah,
Qofkii koowaad ee soomaali ah ee soo bandhigana wuxuu ahaa Proff Yahye Caamir isla maalintii uu shaaciyayna waxaa la isku dayay in la qaarajiyo, waa iyadii gaarigiisa qaraxa loogu xiray,

Wali in aadan qancin ayaan dareemayaa, maxaanse kuu samayn karaa qof dantiisa moog hadii aad tahay,

Tusaalaha Sideedaad: ?
Tusaalaha Sagaalaad: ?
Wax kasta in aan afka kuugu rido miyaad iga sugaysaa, adiguba baar qodobada kor ku xusan, kuwan aan ka tagayna ku dar, wixii qaldana iga sax.

Waxaa is waydiin mudan waa maxay sababta ay dunido inoo cirib tirayso? Waa maxay sababta jiritaankeena loo diidan yahay?

Wax suaal ahi kama taagna in Asal tirtir, iyo farac goyn toos ahi ay inagu socoto,

Waxaa ii bidhaamaya odhaahdii ahayd ” waxaad dhibane u tihiin khayraadkiina” Yahye,

Waxaanse isleeyahay khayraad waxaa ka muhiimsan jiritaan keena, ee maan caqliga u sheegno in aan jiritaankeena ku badbaadsano qiimo kasta oo nagu bixi kara,

Qormadaani armay dhibaati kuu keentaa ayaad i odhan rabtaa sida iiga kaa muuqata, laakiin waxaanan garanaynba dhibaatada ii dhiman ee igu dhici lahayd,

Dhimasho anigu dhibaato umaba arko, nimco alle oo xal u ah nolosha ayaan u arkaa.

W.Q: Shafici Roraye,
Email: sha.roraye7gmail.com