Ehelada Marxuumkii la dilay kadibna la gubay oo baaq u diray dowladda

0

Qaar ka mid ah Eheladda Marxuumkii dhawaan lagu dilay Muqdisho ka dibna la gubay ayaa dowladda Soomaaliya ay ka dalbaday in Caddaaladda la horkeeno Cidii ka dambeysay dilka Marxuumka.

Axmed Muqtaar Dowlo oo ahaa nin Nin Garashle ah kuna shaqeysta farsamada sameynta gaadiidka ,ayaa Khamiistii la soo dhaafay si argagax leh loogu dilay Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo dilkiisa uu la xiriiray fal hayb sooc guur ah.

Dilka ayaa yimid ka dib markii wiil uu adeer yahay ninka la dilay uu la baxsaday Gabadh,uu ka dhaxeeyo Xiriir Guur ah.

Ehelka gabadha, gaar ahaan Hooyada dhashay Gabadha ayaa si wayn ugu dooday in reerka uu ka soo jeedo Wiilka uusan guursan karin gabadheeda, waxayna Khamiistii galabteeda ku weerartay iyada iyo koox kale oo haween iyo rag isugu jira Garaashkii uu ku shaqeysanaayay Axmed dowlo oo aanan ka fogeyn hoygiisa, kadibna halkaasi ayeey baangado iyo gubis ay isugu dareen oo ay ku dileen.