Eheladda Bajaajlihii lagu Diley Wadada Maka Al Mukarama oo oo Racfaan ka qaatey Xukun ay ridey Makamada Milatariga.

0

 Kulan Balaaran oo ay isgu yimaadeen  Eheladda, Waxgaradka, Culima’udiinka Nabadoonada iyo Salaadiinta Beesha Xasan Samadoorte (Cayr)  ayaa waxaa si weyn looga Hadley Xukun ay Maxakamadda Darajadda Koowaad ee Ciidanka qalabka sida  ku ridey Laba nin   oo ka mid ahaa afar nin oo ku eedeysnaa Dil loo geystey Wiil  wadey Mootada Bajaaj mar uu marayey  Wadada Makka Al-Mukarama Bishii May ee la soo dhaafey

 Ugu Horeyn Kulankaas  waxaa ka hadley Aabaha Dhalay Wiilka la diley oo lagu Magacaabo Cabdi Xuseen Maxamed (Cabdi Madoobe)   waxaa uu   Cadaaladdaro ku tilmaamey Xukunka ay gaartey Maxakamdda Darajada Koowaad  ee Ciidanka Qlabka sida ka dib markii sida uu sheegey Dilka Wiilkiisa  ay ka dhigtey Shil isagoo xusey  in  Xeerka Xukunkooda uu ahaa 445 halka Maxkamadda ay ka dhigtey Xukunkaas Xeerkiisa 4434 taasoo qalad badan uu ku jiro oo aanan Fahmin macnaha loola jeedo.
 Aaabe Cabdi Madoobe ayaa yiri  “Waxaa Nasiibdaro ah in dil Bareer ah oo Marqaatiyaal leh oo dad  badani arkayeen sida uu u dhacay  in uu ula kac ahaa in Maxakamadu ku tilmaanto Shil, waxaan u aragnaa Xulkunkaas mid la marin Habaabiyey oo Wadadiisii laga leexiyey” waa uu sii Hadley
 “Xukunka Maxkamaddu gaartey ee ah in Laba ka mid ah eedeeysanayaasha ay Diyo bixiyaan  Waxaan ka qaadanayaa Racfaan   waxaana ku tilmaami karaa Xukunka Maxkamada  mid Cadaaladaro ah sababtoo ah Maxakamaddu waxay Xukun ku ridey 2 Nin oo kaliya, ma garan karo halka ay ka baxeen Labadii kale ee la eedaysnaa oo mid ka mid ah uu dhalay Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare”.
 Sidoo kale waxaa  Goobta ka Hadley Suldaan Sayid-Cali Cismaan Abtidoon ( Dheereeye)  waxaa uu sheegey in aysan ku qanacsaneyn Xukunka Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidanka  Qalabka sida  isagoo sheegey in ay Maxkamadda Geeyaan Marqaatiyaal ogaa sidii uu u dhacay Dilkaas, wuxuuna  Nabadoonku  uu ka dalbadey  Maxakamadda  in dib u eegto Xukunka  oo uu Sharcidaro ku tilmaamey.
 Ugu dambeeyn waxaa Kulankaas looga Mahadceliyey Saraakiisha  Maxkamadda Darajadda koowaad ee gashey Kiiskaan balse waxaa  Maxkamadda laga codsadey in ay wax ka qabato Cadaaladarda kor lagu xusey islmarkaana la soo  dhameystiro dadkii ka dambeeyey Dilka Marxuumka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here