Eng Yariisow oo Xabsi dhigay Gabar Facebook wax ku soo qortay

0

Duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa lagu eedeeyaa inuu yahay nin aad u neceb in saxaafada laga dhaliilo. Waxaa la isku raacsan yahay inuu yahay duqii ugu wax qabadka liitay ee soo mara caasimada.

Naceybkiisa saxaafada ayaa sababay inuu sameysto koox baarta waxyaaabaa laga qoro. Dhowaan gabar ka mid ah dadka ku nool Muqdisho ayaa dhaliil adag u jeedisay maamulka fadhiidka ah ee ENG Yarisoow, balse nasiib daro xarig ayey ku muteysatay.

Qof diidan inu magaciisa faafiyo ayaa u sheegay shabakada Xogdoonnews , in duqa Muqdisho uu gabadhaas ka adeejiyay saraakiil boolis ah kadibna gabadhii la xiray. Arrinta ayaa markii dambe waxaa soo fara galiyay dad ay gabadha ehel yihiin.

Waxaa lagu xaliyay in la sii daayo balse aaney hadal dambe kusoo qorin Facebook. Hada gabadhaas waxaa ay banaanka ku joogtaa damaanad. Yariisow iyo inta badan madaxda Dowladda hada jirta waxaa ka muuqata dulqaad xumo iyo shaqsiyad liidata.

Dhowaan ayuu sidoo kale Eng Yariisow, waxaa uu degmada Wabari ku xiray nin Wariye ah oo lagu magacaabo Cali Mumin kaas oo saacado la heystay. Duqa Muqdisho ayaa ku eedeyay inuu si adag wax uga qoray arrimaha maamumlka gobalka Banaadir.

ENG Yariisow ayaa ku fashilmay inuu horey u dhaqaajiyo shaqada gobalka, taas oo keentay in dhowr jeer madaxweyne Farmaajo uu ka fakaro inuu badalo.