Faa Faahin: Al-Shabaab & Dad Xoolo dhaqato ah oo ku dagaalamay Hiiraan

0

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal khasaaro geystay oo Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo  dad xoolo dhaqato ah ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa sigaar ah waxaa uu kaga dhacay deegaanm ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Halgan iyo Buullo-burde ee Gobolka Hiiraan,waxaana la sheegay in muso saacado ah uu socday.

Warbaahinta Dowladda ayaa shaacisay in dagaalka ay ka dambeysay kadib markii Al-Shabaab ay dadka xoolaleyda ah weeydiisteen xoolo,hayeeshee dadka xoolo dhaqatada ah ay taasi diideen.

Dhinaca kale Qaar ka mid dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda  ayaa sheegay in ay dileen 5 ka tirsan Xubnaha Al-Shabaab, kadib dagaalkii xoogaa ee dhexmaray.

Horay ayaa waxaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo dad is aruusaday oo la Magac baxay Macaawuusleey,kuwaas oo sheegay inay Shabaab dhibaato kala kulmeen