Faa Faahin: Ciidamo Jabuutiyaan ah Qarax lala eegtay

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax ciidamo ka tirsan kuwa Jabtuuti lagula eegtay meel ku dhow deegaanka Buurweyn oo qiyaastii 35-Km dhanka Koonfureed uga beegan magaalada Buula-burde.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxu uu qeybta hore ka burburiyay gaari gaashaaman oo ay ku xirnaayeen qalabka miinooyinka baara.

Dhinaca kale qarax jugtiisa laga maqlay inta badan deegaannada hoos taga degmada Jalalaqsi ayaa shalay gelinkii dambe ciidamo Itoobiyaan ah lagula beegsaday wadada laamiga ah.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen qaraxan inuu burburiyay gaari Uuraal ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada qaraxyada lala eegtay ayaa waxaa la sheegay in xalay ay ku hoydeen wadada laamiga ah gaar ahaan inta u dhaxaysa deegaannada Jimbileey iyo Buurweyn.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxyadaasi ayaa waxa ay tilmaameen inay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Jabuti iyo kuwa Itopobiya, islamarkaana ay burburiyeen gaadiid dagaal.

Waxaa muuqata in Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada qaraxyada loo adeegsanayo ee ciidamada ajaanibta ah ay kula eeganayaan degaanada gobolka Hiiraan, bacdamaa maalmihii la soo dhaafay ay dhaceen qaraxyo miino oo ciidankan lala eegtay.