Faa Faahin: Khasaare ka dhashay Shil gaari oo ka dhacay Sh Dhexe

0

Shilkaan gaari ayaa waxaa uu saakay ka dhacay deegaanka gumaroow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari nooca xamuulka qaado oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho kuna sii jeeday deegaanka Mesagawaay ee gobolka Galgaduud uu rogmaday xilli uu marayay Tuulada Gumaroow,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in hal ruux uu geeriyooday 6 kalena ay dhaawacmeen.

Dadki ku waxyeeloobay shilkaasi gaari ayaa waxaa la keenay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo, iyada oo gurmad ballaaran ay u sameeyeen dadka tuulada Gumareey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inta badan Gaadiidka ku safra wadooyin ka tirsan Gobolada Shabeellooyinka ayaa waxaa ay qabaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu wacan tahay burbur ka jira wadooyinka, iyada oo dhowr mar ay cabasho ka keeneen Gaadiidleyda ku safra wadooyinka labada Shabeelle