Tuesday, November 19, 2019
Home Wararka Maanta Faa Faahin: Qarax ka dhacay Dhuusamareeb

Faa Faahin: Qarax ka dhacay Dhuusamareeb

0

Ruux isku-soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu Maqaaxida iskuu qarxiyay,waxaana wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ay sheegeen in qaraxaasi uu ku dhintay Ruuxii ismiidaamiyay,isla markaana ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex Ruux sidoo kalena uu burbur xoogan soo gaaray Maqaaxida.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Inji oo ku dhow goobta uu qaraxa ismiidaamin ah ka dhacay.

Magalada Dhuusamareeb waxa ku sugan Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana weli qaraxaasi ka hadlin Hay’adaha Amniga ee ka howlgalla Magalada Dhuusamareeb.