Faa Faahin Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari gaar ahaan Waaxda 1 March ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax gaari.

Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu xiray gaari Nooca raaxadda ah, waxaana ku dhaawacmay ruux la sheegay in uu watay gaariga qarxay.

Sidda ay u xaqiijiyeen dad tagay goobta ay wax ka dhaceen gaariga qarxay waxaa la ahaa Agaasime qeybeed ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,kaasoo lagu Magacaabo Cismaan dheere.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana ay damiyeen gaariga qarxay oo gubanaayay.