Faa Faahin: Shabaab iyo Ciidanka dowladda oo ku dagaallamaya Gedo

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab ayaa ku dagaallamaya degaano ka tirsan gobolka Gedo sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka dowladda ee gobolka Gedo.

Ciidanka dowladda kuwo Jubbaland ayaa lagu soo waramaya in ay Saakay weerar ku qaadeen degaano ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay saakay waaberigii hore ay weerar culus ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ka sameysteen degaan lagu Magacaabo Hareer-Tuur.

Degaankaan ayaa ku yaalla Xadka ay waddaagaan degmada Balad-Xaawo iyo Tuulo Barwaaqo,waxaana shalay Gelinkii dambe fariisin Cusub ka sameystay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ka baxay degmada Doolow.

Dagaalka ayaa ah Mid xooggan, waxaana la sheegay in Ciidanka dowladda ay ku dhow yihiin la wareegitaanka degaano ku yaalla gobolka.