Faa Faahin: Shabaab oo dad ka Afduubtay Cadalle

0

Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay shalay gubeen guryo ku yaalla tuulada Ceel Muluq oo u dhow degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay kaxaysteen dad degaanka deggan.

Al-Shabaab ayaa dadka degaanka ku eedeeyey inay gacan siiyaan maleeshiyada la magac baxday Macawislayda ee iskood isku abaabulay si ay Al-Shabaab ula dagaalamaan.

Waxaa sidoo kale degaankaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaadka Hubeysan ee Macawisleyda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Axmed Dhagay Xuurshow oo ka mid ah Macawislayda ayaa sheegay in Shabaab ay gubeen Guryo badan oo ku yaalla degaanka ka dib markii ay shalay la wareegeen Saacado Kooban.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in labadda dhinac Khasaare baahsan uu kasoo gaaray dagaalka.