Faa Faahin: Shil Gaari oo xalay ka dhacay Muqdisho

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Waaberi  gaar ahaan Xaafadda UNICEF ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhacay shil gaari oo geystay khasaare dhaawac ah.

Shilkan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen gaari BL-ah oo ka yimid dhanka degmada Xamar Weyne iyo labo Mooto Bajaaj, waxayna ay ku socdeen xawaare sare, maadaama wadada uusan mashquul badan ka jirin xilligaasi.

Waxaa shilkan ku dhaawacantay ilaa Afar ruux oo midi tahay Haweenay, mana jirin dhimasho, waxaana dadkii dhaawacmay loo qaaday Isbitaalada Muqdisho.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa shilka kadib goobta waxay in mudo ah xayireen isu socodka gaadiidka, iyaga oo halkaasi ka qaaday gaadiidka isku dhacay, waxaana markii dambe dib loo furay wadada