Faa Faahin: Toogasho ka dhacday Afgooye

0

Dabley hubaysan ayaa xalay Xaafadda Siigaale ee Degmada Afgooye waxa ay ku dileen nin ka mid ahaa Ergadii Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Dableyda hubaysan ayaa beegsaday Allaha u naxariistee Maxamed Maadey oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Degmada Afgooye.

Kooxdii dilkaasi gaysatay ayaa ka baxsatay goobta, kadib markii ay xaqiijiyeen inay toogteen oo ay rasaas la dhaceen Marxuum Maxamed Madeey.

Goobjoogayaal ayaa sheegay dilka inay gaysteen laba nin oo dhalinyaro ah, kadibna si nabadgelyo ah halkaasi uga baxsadeen.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkaasi loo gaystay ninka ka mid ahaa Ergadii Doorashada Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee Baydhabo lagu soo doortay.

Wali waxaa socda beegsiga lagu haayo Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya.