Faa Faahin:Dagaal beeleed ka qarxay Degmada Cadale

0

Wararka aan ka heleyno tuulooyin ka tirsan degmada Cadale ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka billowday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka,

Barakacan ka bilowday Cadale ayaa waxa uu yimid kadib markii halkaasi ay ku dagaalameen beello wada dega degmada Cadale, islamarkaana dhowr jeer oo hore la isku dayay in waan waan la dhexdhigo.

Qof ka mid ah dadka deegaanka degmada Cadale ayaa sheegay in dagaal beeleedkii ka dhacay halkaasi uu saameyn ku yeeshay dadka ku nool degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana hadda xaaladda ay tahay mid degan.

Dhanka kale wararka aan helnay ayaa waxa ay sheegayan in tuulooyinka hoos yimaada Cadale ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo dadka shacabka, markii dambane Al-Shabaab ay qabsadeen goobihii lagu dagaalamay, iyagoona halkaasi ka qaatay xoolo.