Faa faahin:NISA oo qabatay Sargaal ka tirsan Al-Shabaab

0

Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay  nin ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ka dhacay Degmada Hilwaa ee gobolka Banaadir.

Ninka la qabtay ayaa ka tirsanaa Amniyaadka Sidda ay sheegtay Hay’adda NISA.

NISA ayaa sheegtay hawlgalkan oo ahaa mid qorsheysan inuu dhacay 13 Bishaan, islamarkaana Ninkaan waqtiyo badan baadi goob iyo dabagal ay ciidamada ku hayeen.

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda.

Ciidamada ammaanka ayaa hawlgalo qorsheysan habeenada qaar ka sameeya degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir.