FAAFAAHIN: Baarlamaanka dalka oo Meelmariyay Go’aan Dalka looga Mamnuucayo Shirkadda DP World

0

Mudaneyaasha Baarlamaanka dalka ayaa waxay maanta soo saareen oo meel mariyeen Go’aan shirkadda DP World ee dalka Imaaraatka ka mamnuucaya in ay ka shaqeeyaan Somalia.

Baarlamaanka ayaa sheegay in aysan jiri Karin, wax heshiisyo ah oo ay Shirkaddani la geli karto dhammaan Maamullada Soomaaliyeed, iyadoo la sheegay in aysan dalka kasii shaqeyn Karin.

Xildhibaannada ayaa si qota dheer uga dooday heshiiskii DP World ay la gashay maamulka Somaliland, kaasoo ahaa Seddax Geesood ka hor imaanaya Madax bannaanida Soomaaliya.

Heshiiskaas waxaa dowladda Itoobiya, DP World iyo Somaliland ay ku saxiixeen in Shirkadda reer Imaaraat ay dekadda Berbera maamusho 30-ka Sano ee soo socota, waxaana daba Socda in aysan deegaannada maamulkaas iyo Goobaha dekadda u dhow ka dhismi Karin, wax dekado ah muddadaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay Go’aan uga gaartay Heshiiskaas, waxaana ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha dalka oo labaduba sheegay in uu yahay mid xadgudub ku ah Madaxbannaanida Soomaaliya.

Dood keddib 168 Xildhibaan ayaa ansixiyay Xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Waxaa xeerka dalka looga Mamnuucayay ku qornaa in Heshiis aysan dowladda Soomaaliya Saxiixin aan laga geli Karin gobollada dalka, isla markaana ay shirkaddaas ku xadgudubtay Madaxbannaanida Umadda Soomaaliyeed.

Xeerkaan uu Baarlamaanku maanta meelmariyay, waxaa xigi doona in Madaxweynuhu ku meelmariyo heer Madaxweyne, isla markaana wixii intaas ka dambeeya si toos ah looga soo saari doono Xafiiska Madaxtooyada dalka.

Go’aanka kama Dambeysta ah ee kasoo baxa ayaana laga doonayaa in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda, Mudane Xasan Cali Kheyre uu gaarsiiyo Madaxda Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, iyadoo intaas keddibna, haddii aysan dowladdaas waxba ka qaban xiriirka labada dowladood laga fiirsan doono.