Faafaahin: Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda oo ka dhacay Isgoyska Tarabuunka

0

Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda kaasoo ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Inta la Ogyahay 3 qof ayaa ku dhaawacantay Dagaalka oo u dhexeeyay Ciidamada ay tababartay Dowladda Imaaraatka Carabta iyo kuwa Meletariga dowladda.

Dadka dhaawacmay waxay ahaayeen dad Shacab ah, iyadoo xilliga uu dagaalkaas billowday ay aheyd waqti ka mid ah kuwa ugu Mashquulka Badan Isgoyskaas oo sidoo kale ay ciidamadu Gaadiidka ku celiyaan Safaf dheer Dheerna loo geliyo sidii loo baari lahaa.

Lama oga ilaa hadda Khasaaraha soo kala Gaaray Ciidamada dowladda ee dagaallamay, balse qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Xogdoonnews in uu arkayay 1 Askari oo ka tirsan ciidanka Imaaraatku Tababaray oo dhulka laga sii qaadayay, mase sheegin in uu dhintay iyo in uu Dhaawacmay.

Dagaalka u dhexeeya Ciidamada dowladda ayaa kusoo Noqnoqday Xaafadda Tarabuunka ee Degmada Hodan, halkaas oo Ciidamada sida badan isku dhac dhexdooda ah uu ku dhexmaro.