FAAFAAHIN: Ganacsade da’yar ah oo lagu dilay Afgooye & Al-shabaab oo sheegatay dilkiisa

0

Degmada Afgooye waxaa Galabta Maqribnimadii ka dhacay dil ay kooxo Bastoolado ku hubeysan u geysteen wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Abuukar Qaasim Toshiba.

Wiilka la dilay ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Afgooye, wuxaana da’diisa lagu qiyaasay 25 jir.

Dilka wiilkan yar waxaa sheegatay Al-shabaab, Booliska Afgooye oo goobta gaarayna kuma aysan guuleysan in ay soo qabtaan qofka dilka geystay.

Sida ay ku qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan Shabaab ayaa sheegtay in uu wiilkani ka mid ahaa Ciidamada dowladda, in kastoo aan la heyn wax Arrintaas caddeynaya.