Faafaahin iyo Sawirro Qarax Maanta ka dhacay Duleedka Muqdisho

0

Qarax ismiidaamin ah ayaa waxaa maanta Ciidanka AMISOM lagula eegtay xaafadda Weydoow ee Duleedka Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday Kolonyo Gaadiidka AMISOM ah oo marayay Agagaarka Labaajada deegaanka Weydoow, kaasoo sida la sheegayo uu ka dhashay Khasaare xooggan.

Gaariga is qarxiyay ayuu nuuciisu ahaa NOAH, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay qaraxaas 3 qof, halka ay 5 kalena ku dhaawacmeen in kastoo aan weli laga yaabo in Tiradu ay intaas ka badan karto.

Dhanka Saraakiisha Dowladdu waxay sheegeen in Qaraxaas uusan Wax khasaare ah Geysan, mid shacab iyo Ciidankii laba Beegsaday Intaba.

Halkan hoose ka arag Sawirro Laba ah oo laga soo qaaday halka Qaraxu ka dhacay.