Faafaahin: Mareykanka oo Duqeyn kale ka fuliyay Shabeellaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Yaaqbari Weyne ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ciidamada Mareykanku ka fuliyeen duqeyn kale oo ka mid ah kuwa lala beegsanayo Saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin Gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka DFS eek u sugan Yaaqbari Weyne ayaa u xaqiijiyay Idaacad ku hadasha Afka Ciidanka Dowladda oo Muqdisho ku taalla in Diyaaradaha aan cidina wedin ee Mareykanku ay Beegsadeen 2 saldhig oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka.

Duqeynta ayaa la xaqiijiyay in ay dhacday Maqriabnimadii Shalay, waxaana abbaare 06:30pm lala beegsaday midda hore Goob Koontorool oo Al-shabaab ay ku baaraan Gaadiidka Gobolka u kala socdaala.

Qeybta kale ayaa iyaduna ka dhacday Saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin meel aan sidaas uga fogeyn halka midda hore ay ka dhacday oo sida la sheegay ay ku carareen kooxdii Duqeynta hore ka badbaadday.

Ciidanka Meletariga Soomaaliya ayaa sheegay in Halkaas Al-shabaab lagu gaarsiiyay Khasaare xooggan in kastoo aysan sheegin inta qof ee ay ku dileen.