Faah faahin Al-shabaab Oo Deegaanka Halgan Ku Dilay Askar Ka Tirsan Ciidanka Dowladda

0

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in maanta labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku Dileen Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, Guhaad Cabdi Warsame ayaa waxuu tilmaamay in Dilka uu dhacay xili mashquul badan uu ka jiray halkaasi.

Mr. Guhaad ayaa waxuu soo hadal qaaday in ay socdaan baaritaano lagu soo qabanayo sida uu hadalka u dhigay dableydaasi uu ku sheegay in ay ka mid yihiin Xarakada Al Shabaab.

Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa sheegata mas’uuliyada Dilal qorsheysan oo qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan loogu geysto Askar iyo Saraakiil ka tirsan Xoogaga Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here