Faah faahin Ku Saabsan Duqey Lagu Dilay Saraakiil Ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn lala beegsaday Saraakiil ka Tirsanaa Al-shabaab oo ka dhacday deegaan hoostaga degmada Ceel-Buur ee Gobolka Galguduud.

Diyaarad loo maleynayo in ay tahay nooca Drone-ka ayaa bartilmaameesaday xalay fiidkii gaari ay la socdeen xubnaha ka tirsan Al-shabaab oo marayay deegaan lagu magacaabay Dac.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xassan Guutaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab iyo shaqsiyaad Al-shabaab u qaabilsanaa dhinaca kicinta bulshada.

Guud ahaan dadka ku dhintay duqeynta ayaa lagu sheegay 11-ruux.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay odayaal dhaqameed, iyagoona soo bandhigay qaar kamid ah Magacyadda odayaasha la dilay.