Faah faahin Weerarkii lagu qaaday Hotel SYL oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya “Sawiro”

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa weerarka Qaraxa loo adeegsaday ee barkhanimdii maanta lagu qaaday Hotelka SYL ee ku yaalla afaafka hore ee Madaxtooyda Soomaaliya.

Xilliga weerarka lagu qaadayay Hotelka SYL ayaa waxaa ka socday shir looga hadlayay amniga, sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Soomaaliya.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Qaraxan ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo wariyeyaal ka howlgala warbaahinta Qaranka oo halkaasi ku sugnaa.

Waxaa bur bur xoogan uu soo gaaray Dhismaha Hotelka SYL iyo sidoo kale Guryaha halkaasi ka agdhowaa.

Inta la ogyahay in ka badan 15 Qof ayaa ku dhimatay Qaraxan halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 40 Qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

al-shabaab oo war qoraal ah ku soo qoray baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay sheegeen in khasaare ay ku gaarsiiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

01 02 03 04 0711 22 33

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here