Faahfaafinta Qaraxii Kismaayo.

0

Warakii ugu dambeeyey ee qarax Kismaayo ayaa sheegaya iney ku dhinteen weriyeyaal ay ka mid yihiin Hodan Naaleeye iyo Axmed Sahal.

Waxaa kale oo dadka geeriyoodey ka mid ahaa seyga Hodan oo ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga Jubbaland iyo Xildhibaan ahaana murashaxa madaxtinnimada Jubbaland Maxamed Ismaaciil shakuur.

Qaaraxaan caawa lagu qaadey Hotel Cascasey ee magaalada Kismaayo, ayaa waxaa ku nafwaayay ilaa shan ruux oo isugu jiray weriyeyaal, dad rayid ah iyo mid ka mid musharaxiinta u taagnaa qabashada xilka madaxtinimo Jubbaland.