Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku gubatay dalka Koofur Afrika

0

Afar ka mid ah Muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku ganacsata dalka Koofur Afrika ayaa geeriyootay markii uu dab ka kacay dukaan ay dhex hurdayeen oo ku tiil tuulada Injolli duleedka magaalada P E ee dalka Koofur Afrika.

Iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta keentay dabka ayaa hase ahaatee warar kala duwan waxa ay ka soo baxayaan dabkan, wararka qaar ayaa sheegaya in qarax ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado uu sabab u ahaa dabkan halka warar kalana ay sheegayaan in si ula kac ah loo gubay goobta ganacsi ee ay afarta muwaadiniinta Soomaalida ah ay jiifeen.

Muwaadiintan geeriyootay ayaa lagu  kala Magacaabi jiray, Axmed Xooshow, Xuseen Cali, iyo Labo kale oo Magacyadooda lagu soo gaabiyay Aweys iyo C/rashiid.

Todobaadkii hore ayaa  muwaadin Soomaaliyeed u geeriyooday dab ka kacay dukaankiisa waxaana laga soo bixiyay isagoo meyd ah goobtiisa ganacsi.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa ku ganacsada dalka Koofur Afrika iyo wadamada u dhowdhow, hase yeeshee Soomaalida ayaa waxaa ay ku haysataa dhibaato dalalkaas ay ku nool yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here