Faa’iso Cabdirashiid Vs Malala Yousifzie, Waa Kuma Geesiga Dhabta Ah?!! ( Qalinkii-Cabdiwahaab Axmed Cali)

0

“Cabbirka lagu qiyaaso Geesinnimada haddii ay tahay inta uu qofka shaqeeyay isagoo oo kelli ah, waa marka saxda ah ee aan awooddno in aan sharraxno waxa ay tahay geesinimada,” waa xikmad iyo qaaciddo lagu helo qofka geesiga saxda ah, balse oraahdan waxaan usoo gocaday, in aan ka hadlo geesinimada iyo miqiyaaska lagu cabbiro kahor inta aan u guda galin faallo maqaalkayga.

Geesinimada waa u barreeridda qataraha iyadoo ay kaa muuqato isku kalsoonnaan ka badan Aadanaha kale ee kugu xeeran, balse waxaa u baahan fahan gooni ah in la helo su’aasha ah ‘waa kuma geesi’, taas oo ay aqoonyahannada badankooda jihooyin kala duwan ay ka istaageen.

Mawduuca haddii aan usoo noqono, waxaan cinwaan ugu dhignay’Faaiso Cabdirashiid Vs Malala Yousifzie, waa kuma geesi dhabta ah?!’, sida ka muuqata cinwaanka, duulluucda sheekada waxay noqonaysa isbar bardhig lagu lifaaqay qof ka hadal, taas oo aan waxbadan ku bidhaamin doono.

Isbar-bardhiggu wuxuu ku qotomi doonaa labada halyeey ee Malala Yosoufzie iyo Faa’iso Cabdirashiid oo u kala dhashay waddamada Soomaaliya iyo Pakistan.

July 12-keedii, dabshidkii 1997-kii ayay ahayd markii ay dunida kusoo biirtay Malala, waxaana ay ku dhallatay magaalada Mingora ee dalka Pakistan, waxaana ay ahayd gabadh u ololeysa dhanka waxbarashada gabdhaha, taas oo ugu dambayn keentay in ay dhib badan kala kulanto, aynna halis u galiso nafsaddeeda, iyadoo kalsooni ku qabta qabkeeda, iyo ololaheeda in uu guuleeysanayo, xitaa haddii iyada la dilo oo ay dunida iskaga tagto.

9-kii October 2012-kii, maalinimo Tallaado ah, ayay ahayd maalinkii dunideeda (Malala) ay isbaddashay, “waxay ahayd waqtigii Imtixaannaadka dhexe ee Iskuulkeena Kushaalli School, gabdhaha saaxiibaday dhammaan waxa ay ku mashquulsanaayeen diyaarinta iyo xafdinta imtixaankaas, xitaa Moniba iyo Shazia Ramzan, gaarrigeenna ayaa dhaafay bartii kortorool ee ciidanka, waxa aan fadhiyay qaybta dambe ee Buska, waxa aan soconaba wiil yar ayaa soo gooyay waddada, oo gacmaha u haatiyay gaarigeenii, darawalka ayaa istaajiyay, wuxuuna waydiiyay su’aal doqonimo ah, isagoo yiri ‘Gaarigan Kushal School miyaa!?,’, kahor inta uusan darawalkeena u jawaabin, waxaan iswayddiinay ‘miyaannu arag boorka ku qoran Buska?!’, darawalka ayaa ugu jawaabay ‘Haa, dabcan,’.

“Mid kale oo iyaga kamid ah ayaa yiri ‘Waa Tuma Malala?!’ iyadoon cidna u jawaabin ayeey dhammaan ardaydii gadaal iisoo eegeen, kadib waxay bilaabeen in ay lasoo baxaan Baastoolad madaw, kaddibna wuxuu nagu soo riday saddex xabbadood, midka koowaad waxay haleeshay Inshayda Bidix korkeeda, meel u dhaw madaxa, labadii xigtayna waxay ku kala dhaceen gabdhihii igu xigay ee Shazia iyo Kainat Riaz, kaddib dhiig ayaa soo butaacay, ma aqaan waxa dhacay ilaa aan is arko anniga oo jooga Birmingham UK,’’ Tani waa sheekada Malala, Taliban ayaa u toogatay maxaad u dhiiragelinaysaa waxbarashada Hablaha, waxay ahayd geesiyad nool oo mudan in mar walba la ammaano,balse iskama noqon geesiyad oo xilli horre ayeey gablami lahayd haddii aan la heli lahayn wax caawiya.

Sida taariikhdeeda ku cad, marka laga soo tago kaalmada caalamiga ah, marka hore waxaa caawiyay madax da sare ee Pakistan, oo uu ugu horreeyo Colonel Junaid oo ahaa dhakhtar kamid ah ciidanka qalabka sida ee waddanka Pakistan, kaas oo waxbadan la tacaalay xaaladda gabadha yar ee Malala; sidoo kale General Kiyani iyo dad kale oo madaxda dalkaas ay kujiraan ayaa caawinta qayb ka noqday, taas oo keentay in ugu dambayn ay hesho kaalmo, caalami ah.

Dadka caanka ah ee caawiyay waxaa kamid ah Angelina Jullie, Justien Bieber, Barack Obama, Bank Ki Moon, iyo cid walba oo dunida magac ku leh ayaa garab istaagtay gabadhaas, haddii aysan jiri lahayn caawintaas Malala ma noqoteen qofkii ugu yaraa ee abid ku guuleeysta abaalmarinta Nobel Prize ka.

Si lamid ah Faa’iso Cabdirashiid waxay ku dhallatay magaalada Muqdisho dabshidkii 1996-kii, waxay ku biirtay ciidanka qalabka sida gu’gii 2012-kii, ugu dambayn Faa’iso waxaa la rogmaday gaarigii ay saarnayd dhammaadkii 2016-kii, xilli ay marayeen gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo keentay in ay adhaxda ay waxyeeloowdo.

Waxaa loo helay Minxo caafimaad oo dibadda ah, gaar ahaan waddanka aan saaxiibada nahay ee Turkiga, nasiib xummo se, wax waa looga qaban waayay, dib ayaa loo soo celiyay, waxay dalabyo kala duwan ay ka heshay madaxda dalka, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha iyo Madaxwaynaha oo siyaabo kala duwan u qaabilay Faa’iso, balse ma jirto wax kasoo naasa caddaaday ilaa hadda inkastoo ay dhici karto in wali lagu hawlan yahay, haddana sida illo ku dhaw dhaw ay innoo xaqiijiyeen wali lama rumeyn ballan qaadyadii madaxda oo horay iskugu sawiray gabadha.

Marka aan isku soo wada duubno, farqiga u dhaxeeya labada gabadh waa in midkood la caawiyay ay sidaas ku noqotay halyeeyad ama Geesiyad, halka midda kale ay waysay garabka dadkii ay kadhalatay ee Soomaalida, taas oo keenaysa in ay noqoto geesi tolwaayay.

Waxaan iswayddiinaynaa goorma ayuu qofka yahay geesi dhab ah?, marka garab la siiyo mise markale, dad badan baa rumaysan in geesinimadu ay qurux badan tahay marka aad nolosha kaligaa tahay, inkastoo ay wanaagsan tahay in lagu caawiyo, haddana haddii la waayay cid garab istaag, waxaa waajib ah in ay muujiso karti dheeri ah, taas oo lagu garanayo qofka geesiga dhabta ah.

Gabagabada sheekadaydu Faa’iso waa geesiyadda dhabta ah, marka lala barbardhigo asaaggeeda dunida ku kala nool, maadaama ay dalkeeda u waxyeeloowday, haddana dalkii ay u dhibaatootay aysan waxba ku haysan, baddalka waxay qayb ka ahayd ololihii bisha Barakeysan ee Ramadan lagu afurinayay dadka danyarta ah, waanna meelaha ay iskaga egyihiin Mother Teresa, iska daa’ Malala iyo hablaha la aynniga ah.

Haddaba halkee bay iskaga mid yihiin Labada shaqsi

  1. Ujeeddo u dhimashada
  2. Qaabbilaadda Dhibaatooyinka
  3. Lahaanshaha Hal Cadaw
  4. U dagaallanka hawlo guud
  5. In caafimaadkooda dalalkooda wax looga qaban waayay
  6. In ay la kulmeen madaxda dalalkooda
  7. In ay jecel yihiin ka shaqaynta arrimaha Banii Aadamnimada
  8. In Waqtiga ay dhibaatadu soo gaaraysay labaduba ay ku jireen da’da 10-aad (teen-Age ka)
  9. In dalalkooda aad looga yaqaanno, lanna texgaliyo
  10. In ay labaduba yihiin geesiyaal u gudbay halyeeyo

Haddaba waxaan kusoo gunnaanudayaa sheekadayda xikmad oranaysa “Buuxinta baahiyaha dadka kale ee dhibtu haysato marka aad awooddo, waa samaysashada waji nadiif ah, qalbiyo kuu qudduucsan, haddii aad diiddana waa hellidda dhammaan waxa intaas caksiga ku ah,” waxaana kula dardaaramayaa cid walba oo awoodda in ay caawiso gabadhan in ay ajar iyo abaal kasameystaan, si berritada adduunka iyo tan aakhira ba ugu guuleeystaan.

Haddii aad u riyaaqday fadlan la wadaag asxaabtaada.

Qalinkii Cabdiwahaab Axmed Cali