Faalla Xumadii Fudaydka Xambaar sanayd

0

Waxaay dhaheen Madaxwaynihii ayaa Ciyaar aan Macna badan ku fadhin u aadaya Burundi waxuuna ku Bixinayaa Qarash aad u badan ayadoo Dhibaato ka taagan tahay Hiiran.

1-Ma waxaa Macno darro ah in Madaxwaynuhu soo Dhiirigaliyo Ciyaartoyda Matalaya Qarankeena oo Difaacaya Sharafta Calankeena Xambaarasana Magaca Qof kasta oo Somali ah,oo Shalay Markay Heerkaan soo gaareen ad u wada Sacab tumayseen.

2-hadii Musiibo Dhacdo Ma gacmaha ayaan isi saaraynaa markaas ayaan ku iloobaynaa Dhamaan waxii kale oo aan qabsan karo Cup-kaan oo Somalia qaado waxay ka dhignaan doonta Magac Xumo iyo Taariikh Fool xun oo naga Habsatay Bururbii kadib oo naga harta,waxaana Finalka oo Somalia timid aduunka dhani qiray in aam kusoo laabanay Saaxada Kubadda Cagta, Wiilasha Guushu u soo carfayso hadii Farmaajo VIP da u Fariisto waa ayagoo Home kooda ku Ciyaaraya oo kale ee horta oogoow.

3-ayaa kuu Sheegay in Madaxwaynuhu Lacag badan ku bixinayo Safarka Burundi oo ah Safar aan Africa laga baxayn, haduu rabana uu raaci karo Diyaarad Shacab, Mise inaad dhanka Xun wax ka fiiriso waa wax kugu beeran?

4-Maxaad u arki la dahay Didaalka Xukumadda ee Madaxwaynuhu u Xilsaaray inay Guddi Musiibada wax ka qabto u magacowdo kuna baxayaan Biri Baladwayne, mise waa qasab in Madaxwaynuhu tagaa Hiiraan oo Xukumadda Shaqadaan uma diri karo?, Ogow oo Guddi aan Madaxda Dowladddu ku jirin oo Culimo iyo qaybaha kale ee Bulshada in Xukumaddu diri karto.?

5-Maxuu yahay dhawaqaaga Dhabar bar jabka kaliya Xambaarsni mise moog tahay in doorkagu banaan yahay,Dowladda teeda fartaye,

FG: Waxaa ila Haboon inaad iska Aamusto oo walba Afkaaga aadan ku dhibin dadka wax qabanaya.

W/Q: Ali Yare Abdiwahab Aden

Email:Caliyareg@gmail.com