Faalllo: Dilaaga Shaley Marna Ma Noqon Karo Halyayga Maanta

0

Ma Waddan Cusub Ayaan Ubaahanahay Mise Waddanka Ayaa Dad Cusub Ubaahan Waa Oraah Ka Dhalatay Dulmiga Cadaalad Darada Bur Burka Dal Iyo Dad Iyo Dhaqanba Ku Dhacay Dadyow dunidaan Guudkeeda Ku Nool.
Ma Jiro Qof Ku Dhasha Isagoo Dilaa/Mujrim/Daalim Ah Ee Shacabka Ayaa Sameeya Marka Ay Ku Amaanaan Qaladaadka Uu Galo Halka ay Ka Sixi Lahaayeen Ugu Hiiliya Garabna Ku Siiya Dambiyada Foosha Xun Ee Dil iyo Dhac Iyo Kufsi Iyo Boobka Hanti Guud Isugu Jira.
Inagaa Udoorana Xilal Kala Duwan si Ay Ugutaan Waajubaad Loo idmaday Taasoo Yoolkeedu Yahay Umadda In La Gaarsiiyo Horumar Iyo Ilbaxnimo.
Anaga Haddaanan Jirin Iyagu Ma Jireen Nagama Laandheer sana Dhiigga Caruurteena Ayey Dagaalada Ku Galaan,Gacanta Dhallinyaradeena Ayey Dambiyada Ku Fuliyaan Inagaa Ufurna Albaabka Laga Galo Taatiikhda Halyeeynimo.

Muddo kadib Isla Isagii Ayaan La Dagaalannaa Si Aan Udoorana Mujrim Kaloo Weji Cusub Aan Ka Dhaqan Duwaneen Kii Ka Horeeyey Anagoo Isu Muujina Inaan Ka Gudubnay Xilliga Dulmiga Isbedelna Samaynay.
Shaqo La’aanta Baahsan,Amni Darada Taagan,Taya Xumida Waxbarasho Iyo Caafimaad,Musuqa Baahsan Waxaa U Sabab Ah Inagoo Kool Koolina Garab Heelada U Tunna Kii Dilay Rajadeena Gowracay Himiladeena Gudcur Ku Riday Sumacddii Aynu Kulaheen Fagaaraha Caalamka.

Dhibaatada Ina Halakeesay Sahal Loogama Bixi Karo Haddaynaan Dilaaga U Arag cancer Ka Hormarkeena.
Runta Waa Qaraar Waxayse Dawo Utahay Jiritaankeena Dadnimo Iyo Dowladnimoba Cadaaladduna Waxay Asaas Utahay Dowlad Sal Adag Iyo Hanaan Maamuleed Oo Hagaagsan Iyo Hoggaan Toosanoo Horbooda Howlaha Horyaala Ee Uu Qaranku Leeyahay.
Musuqa Iyo Mujrimkuba Qabiil Ma Leh Qoor Gooyn Mooyee Waa Haddaan Talo Qaran Idin La Wadaago.

Dilaaga Shaley Marna Ma Noqon Karo Halyayga Maanta Taariikhdana Ni Weliba Suu Doono U Qor Hayeeshee Dhabta Ayaa Dhaxalka Wanaagsan Inoo Ah.
Jumca Mubaarak Soomaalaay.

W/Q Abdulfatah Kasim