Faallo: Fanaaniintu waa dahab

0

Farahaygu waa Dahab
Dareemada bani-aadamka ama dhadhanka waxa kugu xeeran waxaa ka qayb qaadan kara waxyaaba badan. Sida aan la wada socono ama inaga dhaadhacsan gudbinta waxa aan doonayno in aan la wadaagno dadka kale waxaan u marnaa siyaaba kala duwan. Siyaabahaas ama dariiqadaas aan dooranay ayaa si kala dhumuc ama mug leh aan ugu gudbinnaa. Waxa aad is leedahay la wadaag dadka kale: farxad, murugo, tiiraanyo, canaan, cambaarayn nac ama kalgacayl waxay ahaadaanba waxaad u sahansataa sida ugu wanaagsan ee ay ku gaari karto hadba cidda aad u danleedahay in aad wax la gaarsiiso. Hadalku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha wax la iskugu gidbiyo kan ugu shandhada dheer. Waa kii lahaa Salaan Carrabay “afku waxa uu la xoogyahay magliga xowsha kaa jaro e”. Intee in la eg ayuu Salaan u adeegsaday tuducan wax gudbinta u sal-dhigideeda, waa sidaas oo afka ama erayga dhawaaq waxa uu ka daranyahay ama wax ka gudbin og yahay dhaawac jirkaaga si muuqata loogu gaysto. Adigoo dhibaata ama farxad ku jiro ayaad aragtaa ereyo ka tarjumayo xaaladdii ku haysay, markaas ayaad is tiraahdaa tolow mu’alifka ereyadan ma sii ogaa in aad mari-doonto xaaladdan! Ama dunidan horumarka u sahansatay ilmaheeda waxay saadaal-bilan ku soo heshay ekaanshaha xaaladda aad ku sugan tahay iyo ereyada milgaha leh? Mooyi. Ereyadaas kuwooda ugu xulsan ee taaban karo meelaha noloshu muhiim ka tahay ayaan ku soo qaadan doonaa qoraalkaygan. Qaybaha in wax lagu gudbiyo loo saantay waa badan yihiin laakiin maanta waxaan soo qaadan doonnaa ereyo ku jiro heeso. Fanaanka aan maanta heesaha uu qaado jarjari doonno waa fanaan sharaf iyo karaama ku dhex leh bulshadiisa; aanan la illaawi doonin dadaalkiisa hagar-la’aaneed, Xasan Aadan Samatar.
Xasan heesaha uu qaado waa badan yihiin, abwaanno iyo mu’alifiin badan ayaa ku taammo mar uun ma u dhiibtaa ereya aad leedahay Xasan.
Inyar oo aad u yar ayaan ka soo qaar goosan doonnaa ereyada ugu sii mudan heesaha Xasan.

Heesta 1aad qoraxdoo aroortii:
“Haddaan qiro runtaydoo
Qotanshoo warkaygaa
Ruuxaan kugu qiyaasoo
Kula qayr dhigaayaa
Kama qaadin indhahee
Sida roob qayoodoo
Saxansaxa qabowloo
Laabtayda qaadee”
Aad iyo aad. Intee in la eg ayay sifeeyeen ereyadan qofka laga sheekaynayo. Qofka indhaha ku nastaan aragtidiisa, qalbigana qaboojinayo. Ka tusaala qaado roob qayoodo wanaaga uu kaga tagi karo laabtaada, mar waa udug iyo caraf, mar waa qurux, mar waa daganaan, marna qabow iyo raaxo; sidaas si la mid ah ayuu qofku ku reebaa intaas iyo ka badan oo wanaag ah. Sifooyinka wanaagga nafta raalli-galinayo ayay wadaagaan qofkaas iyo roobka raxmadaysan. Allifaha heesta Maxamed Shirwac iyo al-fanaan Samatar hambalyo.
Heesta 2aad Haboon:
“Sida hogasha roobkoo
Ama hilaac guyoo da’ay
Hoobaan bislaatiyo
Hara wada biyaysan
Oo lagu hayaamoo
Hubaal sahankii uu raray
Wuxuu sii hintiqiyaaba
Hadda halacsi loo jiro
Haboonay naftaydan
Hiigsi baa ku noqotoo
Adaa ii hiraayee”
Yaa salaam! Qaddarkan miraha aan ka soo qaaday heesta la magac baxday Haboon ee uu curiyay Maxamed Cumar ‘hanaan’ ma dhuuxday oo ma ku dhaceen, haddii aad dhuuxdayse ma dhadhansatay qota-dheerida mirtiyeed ay xambaarsan yihiin mirahaa? Si fiican ugu dhugma yeelo akhriste. Qof u sahan tagay meel roob hareeyay, markuu arkay haraha oo buuxo oo meel walba barwaaqo taal, inta uu soo noqday cidduu u sahan tagay soo raray waliba isagoo hubo halka uu ku wado reerka. Heesta waxa ay ku bilaabatay ‘sida’ oo caddayn u ah Ekeeye. Wuxuu yiri: aragtidaada waan sahmiyay waana i deeqday. Fanaanka qaadayo iyo Mu’alifkaba waxaan ku bogaadinayaa dhisidda ereyadan quruxda badan “hanaanka iyo quruxdaan Hibooy kugu jeclaado, hablahaad u sidataa haybad iyo asluubtee”.
Heesta 3aad diiday ha i maqashiin: Samatar iyo Baxsan:
” Waa in aad ku dadaasho halka aad dajinayso aayahaaga dambeeyo” waano iyo wax sheeg kooban ayuu Xasan ku darandoorinayaa ereyadan. Waa kooban yahay haddana aad u urursan yahay hadalka.
Heesta 4aad kala harimayno Samatar iyo Baxsan:
“Naftu hadday iga haaddo
Iilka hoose la i geeyo
Hugga qaban maayee hayso
Qabrigaa ha igu hallaynee
Aakhiraa layska helaayee”
Waa ereyo cajiib ah, farshaxannimo xeeldheer ka muuqato, mu’allifka ereyada allifay iyo fanaanku qurux aad u badan ayay kaga qayb qaadateen fankayaga. Waxay si fannima ah u soo bandhigeen heestan, ‘kala hari maynee wax hubso’.
Heesta 5aad dhoof caashaq: Samatar.
“Soomaaliya dhankeedii
Dhawaaq farax leh mooyee
Dhiilla kama sugaayee”
Bal qiyaas dhumucda ereyadan, inta ka soo sheekeetay dhibka caashaqa iyo layaabkiisa. Sida uu ugu sii adag yahay marka aadan joogin dhulka hooyo. Adigoo dhul shisheeya joogo oo doolaal ah sida uu kaaga miisayo. Ugu dambayn waxa uu ku laab-qaboojisanayaa Abwaanka allifay ereyada, Maxamed Cali Kaariye, in Soomaaliya iyo gayigii uu kaga yimid qofka uu qalbiga kala yahay daris aanu ka sugayn akbaar xun. Dhiilladu ma fiicnee.
Duco iyo farxad ayuu ku soo gabagabaynayaa.
‘Allahayow iyadoon dhiman
Dhaban quruxsanoo ladan
Kalgacaylkiiyoon dhicin
Waliba dheeri sii koray
Dhulkiiyoo barwaaqaa
Dhammaanteen na nabad gee’.
Aamiin Yaa Rabbi!
Awoodda ereyga, dhisidda hadalka, farshaxannimada suugaanta, quruxda heesaha waxay saldhig u yihiin gudbinta waxa aad doonayso in aad gudbiso. Ekaanshaha xaaladaha iyo ereyada la allifay waxay ka qayb qaadanayaan qurxinta dhacdada iyo dhab aanshaha nolosha iyo is rog-rogeeda.
Shantan hees ayaan ku soo gabagabaynayaa faalladan tijaabada ah ee farahaygu waa dahab/fannaaniintu waa dahab.
Waxaan rajaynayaa in aad ka heli doontaan qoraalkan, wixii qalad ama aqoonyari ahna iiga raalli ahaada akhristayaal.
Mahadsanidiin

W/D Saynab xaaji Axmed “ugbaad”