Faallo: Farmaajo iyo Khayre Maka Fakireen Danta Guud.?

0

Hardanka Siyaasadeed ee ka dhacay Soomaliya waxuu u saamaxay in qof kasta ay Siyaasadu la gasho waxii isaga dan u ah taas na waxay keentay in dantii guud ay lunto tan gaar ahna la hormarsho.

Tusaale yar hadaan ka baxsho arimaha ka taagan hada SoomAaliya, Dawlada Qadar waxay DFS ugu ya-boohday lacag gaaraysa Malaayin Doolar laakiin Madaxda DFS waxay sheegeen in ay si siman ugu  qabin doonaan dhaqaalahaas  D/Goboleedyada dalka ka jira.

Shacabka Soomaaliyeed iyo D/Goboleedyada  ayaa aad u soo dhaweeyay arimahaas laakiin maalmo ka dib, waxaa bilowday qaybintii, waxaa RW Soomaaliya Khayre  sheegay in dhaqaalaha Qadar bixisay lagu dhisidoono “Labada wado ee Xamar ka baxa oo kala ah  Balcad iyo Afgooye,”

Waxaa xigay Basas la keenay Magaalada Xamar oo ay Dawlada Qadar ugu deeqday DFS laakiin waxaa loo qaybiyay Xaafadaha Xamar.

Waxaa dad badan is waydiiyeen Aaway Dalka intiisii kale, Ma daad baa qaaday mise waa Marti aan loo meel dayin oo aan Dalka iyo Dadka wax ku lahayn.?

Dhanka kale, waxaa DFS Soomaaliya in mudaa Shacabka u sheegaysay in ay arimaha Carabta dhexdhexaad ka tahay ayadoo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed arkaan  Fahad Yaasiin oo fadhiya Villa-Soomaaliya , in badana u safray Qadar oo uu in mudaa ka ahaa wariye uga soo  tabin jiray  wararka Idaacada Aljazeera dalka Soomaliya…

Waxaa bilowday markaas in uu kordho damacii MD Farmaajo iyo RW khayre, damacaas oo u dhignaa sidii DG kasta looga xayuubin lahaa  Awooda Ciidan si markaas Villa Somaliya u noqoto meesha kaliya ee laga gaari karo Masiirka Dalka iyo Dadka Soomaliyeed.

Taas waxay keentay in la ilaawo Dagaalkii la gula jiray Nabad Diinka, Dhamaystirkii  Axdiga u yaal  Soomaaliya, ka shaqayntii isku soo dhawaanshahaa DG iyo DFS, si Dalka iyo Dadka si wada jir ah  loo samato bixiyo, sidii dib u heshiin loo samayn lahaa loona dhayi lahaa  boogaha wali dhaawacaa, sidii loo soo celin lahaa hantida taal Muqdisho oo ka maqan Shacabka iyo Dawlada Soomaliyeed, sidii meel loo saari lahaa Maqaamka Caasimada Soomaaliya oo Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Thaabit uu umada Soomaliyeed u hi- kaadiyay sidii loogu dhawaaqi lahaa Banaadir, marna Cabdi Qaybdiid sheegay ” in aysan Soomaliya nabad ka dhacayn hadaan maqaamka Muqdisho meel la saarin”

Xawliga aan xadka lahayn ee MD Farmaajo iyo RW Khayre waxuu keenay markaas in Maryam Qaasim is casisho, in Juxa  la cayriyo, in Cabdishakuur la weeraro,in Xilka laga Xayuubiyo Madaxwayihii DG HirShabelle, in Xaaf la Gilgilo,  in Shariif Sakiin lala Saaxiibo iyo in Imaaraadka gees la gasho ayadoon la fiirin umada Soomaliyeed ee  Maciishadooda, Amnigooda iyo Ganacsigoodu ku xiran yahay.

Arimahaan waxay abuureen in Imaaraad ku Tago, in Shariif Sakiin keensado W/Gaashaan dhiga hadana wato Gudoomiyaha Golaha Shacabka kaas oo noqon doona mid daacad u ah Madaxda meesha keensatay.

Gunaanad. Shaki kuma jiro in uu muuqdo Iftiin iyo Muqdi iswata oo ku yeelan doona  saamayn fog  umada Soomaliyeed hadii wadada hada DFS cagta saartay aan wax laga badalin.

Xaquuqda Faallada0 Hornafric Media