Faallo: Idaaya aan Hadlee!!

0

Salaaddii casar ka dib baan seexday aniga oo aan baahi dhab ah u qabin inaan seexdo, balse waxaad mooddaa in la igu yiri seexo si aad riyadan u aragto. Isla riyada dhexdeedana waxaa la igu tusay aniga oo qoraalkan oo kale soo dhigay.

Markii aan gam’ay oo aan u malaynayo in ay bilowgii hurdada ahayd baa waxaa indhaha la ii saaray:

Meel is-goys ah oo ay isugu yimaaddaan laamiyo waaweyn, oo madmadow, oo ay ku yaallaan tilmaamayaashii waddo marista, xariiqihii cadcadaa ee kala soocayay haadadka gawaarida, iyo laymanka ay mari jireen socotada lugta, waxaa laamigaas ku soo jeeday guryo aad u qurxoon oo iila ekaa markaas inay yihiin kuwo lagu ganacsado, qaarkoodna ay ka samaysnaayeen dhalo iyo almuuniyam, waxaan arkay labo gabdhood oo xijaaban oo yaryar oo gacmaha is haysta, hareerahana eegaya iyagoo doonaya inay waddada ka gudbaan, bartanka markii ay dhaafeen baa waxaa hal mar iga qariyay wax aan markii hore mooday baabuur weyn, balse markii dambe aan gartay inuu yahay tareenka waddooyinka dhex goosha.

Anigu waxaan ka daawanayay qol dabaq labaad ku yaalla, daaqaddiisu ay ka samaysantahay quraarad ballaadhan, oo aad si fudud ugala socon karto dhaqdhaqaaqa dibadda, waxaa markaas meesha ila saarnaa cid aan riyada dhexdeeda ku aaminsanaa inuu yahay madaxweynaha dalka soomaaliya oo aan ahayn midka hadda jooga, la ima tusin sawirkiisa, balse wuxuu lahaa cod aad u weyn oo ay ragannimo badani ka muuqato (Codkiisa oo kale horrey uma maqal).

Jawiga magaalada wuxuu ahaa mid roobaad, oo buuq yar, nadaafad wanaagsan, oo ay ka muuqato xadaarad iyo ilbaxnimo, amni sugnaan, iyo deggenaansho.

Waxaasoo dhan ima ay soo jiidan, qodobkii ugu saamaynta badnaa, ee xaaladayda beddelay ee iga qiiraysiiyay, ee aan riyada dhexdeeda ku dareemay guux iyo olol laabtayda ka baxaya, wuxuu ahaa in meesha aan joogo ay tahay magaalo soomaaliyeed.

Riyadan ma ah mid aan abuurayo, ee waa mid aan ka run sheegayo aragtideeda, mana awoodi karo inaan qalin kuugu suureeyo quruxda wixii aan arkay, balse waxaa gunteeda ogaan kara oo kaliya ruux inta uu maskaxdayda galo dabadeedna daalacda dhabta muuqaalkii aan daawaday.

Waxaan ku noolaaday seddex waddan oo aasiya ka mid ah, oo lagu tiriyo caalamka seddexaad, midkoodna uu yahay kuwa ugu hodansan waddamada shidaalka keydsada soona saara.
Mar walba waxaan sii ogaanayay inaanan waxba gacanta ku haynin, in aan ku noolaa nolol aan ii cuntamin, waxaan ku baraarugay in ay iga maqnaayeen waxyaabo qof walboo banii aadam ah uu xaq u lahaa inuu helo, annana aan u aaminsanayn inay yihiin dheeraad ay helaan keliya dadka hodanka ah.

Waxaa iigu darnayd markii aan soo maray garoomo diyaaradeed oo ku kala yaala: Cadan, Shaariqah, dubaay, Addis Ababa, Nayroobi, Dhaka, Chittagong, Jiddah, Jabuuti. Ka dibna aan arkay kan Hargaysa, iyo Muqdisho sida ay yihiin.

Waxaa iiga sii darnaa marka aan arko muwadiniinta waddamadaas oo ka cabanaya waddo xumooyin iyo dhaqaalo darro, anna aan hoosta ka leeyahay: war ha cabanina, hal laami oo quriya laamiyadiinan waaweyn naga siiya oo aan ku faanno, iskuna kaaya xira.

Waxaa igaga daran taas marka ay i weydiiyaan sababta aan waddankooda u imid, iyaga oo ila yaabban, maxaa yeelay; waxay ku jiraan waddamada ugu waxbarashada liita adduunka.
Iyo marka aan arko in baakinka jaamacadahooda uu ka weynyahay dhammaan dhismaha jaamacaddii aan ka soo baxay ee soomaaliya, maya, maya, toban jibbaar uu kusoo laabmayo, qaarkoodna soddon aan dhihi karo.

Waxaa iiga sii darnaatay markii aan arkay miisaaniyadda dawladdeena dhexe oo lagu faanaayo, meel walbana la wareejinaayo, runtii aad baan uga khajilil jiray inaan faafiyo iska daaye aan like saaro, maxaa yeelay; jaamacadda aan ka dhigto waddankan aan joogo ayaa miisaaniyaddeedu tahay ilaa: in ka badan 700 oo millyan oo doolarka maraykanka ah (sannadkan).

Waxaa igaga sii darnayd markii ay Kenya dayax gacmeedka dirsatay, itoobiyana ay u xaydxaydatay. Ala mooral dilaac weynaa.

Waxaasoo dhanna waxay dhacayeen iyada oo ay dadkaygu weli ka fekereyaan oo kaliya siday reerkoodu uga adkaan lahaayeen reeraha kale, cuqdad iyo aarsina ay ragaadiyeen laabahooda, meesha muwaadiniin waddamo kale ay u mudaaharaadayaan gaari noocaas ah (oo qaaliya) ma iibsan karo, ee xukuumadda aynu kala noqono kalsoonida oo bedelno illeen waa mid dhaqaalo daranee (waa dheeraadka dheeraadkiis).

Ma ihi mid muuqaal xun ka haysta waddankiisa, kuna nacaya waxyaabahaas, oo waan huranahay, balse qalbigayga ayay sii gubayaan, olol iyo kar bay iga keenayaan, inaan u ciiloodo ayay igu kelifayaan, oo aan hammigiisa tuurta saarto, una dedaalo sidaan wax ugu qaban lahaa.

Waxaanna aaminsanahay inay jiraan kumanaan wiilal iyo gabdho ah oo aan isku dareen nahay, rabana inay indhahooda shanta ah ku arkaan runta riyadii aan daawaday.

Su’aasha ugu weyn ee ay is weydiiyaanna ay tahay: ma xaq baan u leeyahay dayaca iyo dar xumada iyo dugaagnimada haddaan ahay soomaali?

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Abu Hanifa FQ